Cabdikariin Axmed Mooge oo Loo Doortay Duqa Magaalada Hargeysa

0
2469

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, ayaa saaka doortay maayar iyo maayar ku xigeen cusub.

Golaha deegaanka, ayaa waxaa xilka maaryarka Hargeysa oo si weyn la’isugu hayay ugu dambeyn u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Waddani.

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sidoo kale ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Somaliland, wuxuuna helay 26 kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yidhi maayar Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay Warbaahinta kadib doorashada.

Shan arrimood oo ku saabsan Cabdikariin Axmed Mooge

Doorashada, ayaa ahayd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Sidoo kale, waxaa isna maayar ku xigeen loo doortay Khadar Axmed Nuur oo ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday.

Doorashadan oo gacan taag ahayd waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo deegaanada Somaliland ka billowday dabaal-degyo lagu soo dhoweynayo doorashada duqa cusub ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii May ka dhacday doorasho taariikhi ahayd oo isugu jirtay tan baarlamaanka iyo mida deegaanka, waxaana ku tartamay xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here