Shan Arrimood oo Ku Saabsan Cabdikariin Axmed Mooge

0
1903

Hargeisa (Hargeisa Press) – Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa la filayaa in uu noqdo maayirka magaalada Hargeysa, kadib markii ay isku waafaqeen seddaxda xisbi siyaasadeed ee Somaliland.

Wuxuu helay codadkii ugu badnaa ee uu helo musharax u tartamayay Golaha deegaanka. Wuxuuna ku soo baxay in ka badan 26 kun oo cod.

Magaca Mooge

Cabdikariin waxaa dhalay fannaankii caanka ahaa ee Axmed Mooge Liibaan, oo gayiga Soomaalida aad looga yaqaanay.

Waxaa suuragal ah in magacaas uu wax badan ka caawiyay, marka la eego caannimada aabihii oo fannaan ahaa.

Qofkasta marka la soo qaado magaca Mooge wuxuu xasuusanaya Aabihihii iyo saameyntii uu ku lahaa fanka Soomaalida.

Markii xisbiyadu ay isku raaceen

Ka dib markii lagu dhawaaqay guusha Cabdikariim Axmed Mooge ee Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa uu khudbad u jeediyay shacabkii soo doortay.

“Guushan waa mid xagga rabbi ka timid; waa hiil shacab; waa hiil Hargeysa; waa midnimo umadeed; waa shacabkii oo tuuray heeryadii qabyaaladda; waa guul lawada leeyahay oo aan la kala lahayn oo ay leeyihiin shacabka Hargeysa iyo shacabka Somaliland oo dhan.” ayuu yidhi Cabdikariin Axmed Mooge.

Cabdikariin Axmed Mooge, waxaa kale uu sheegay: “Waxaad ka timaaddeen magaalooyin fara badan oo Somaliland ku yaalla iyo qurbaha. Waad mahadsan tihiin. Qaar kaloo idinka mid ihina, waxaad qabteen baahiya gaar ah sida aragga, maqalka iyo laxaadka. Waxaad u adkeysateen dhibka aad u mareysaan in aad codkiinna i siisaan. Waad mahadsan tihiin.”

Wuxuu sheegay in guushiisa ay afjartay in “oday dambe uu go’aan ka gaadho musharraxa ama qofka umaddan isu soo sharaxaya”.

Wuxuu Alle ka baryay in xilka ay loo doortay uu ku asturo, wuxuuna xusay inuu “codka shacabka uu xujo ku yahay uuna ogyahay in ay wax badan ka filayaan.”

Markii uu ku guuleystay doorashada Golaha Deegaanka

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa laba jeer uu hadlay ku cel celiyey ‘in la ixtiraamo doonista shacabka’, oo dabcan uu ula jeeday codka badan ee uu ku soo baxay in ha loo dhug yeesho.

“Waxaad dirteen farriin dadban oo ah qofka aad rabtaan in uu maayir idiin noqdo, anna maanta laga bilaabo waxaan gelayaa dedaalkeeda,” ayuu yidhi Cabdikariin.

“Codkaa aad i siiseenna waa farriin aad u dirteen madaxda qaranka. Waxaanan rajeynayaa in ay qaddarin doonaan rabitaanka shacabka,” ayuu hadalka ku sii daray.

Dad badan ayaa markii hore u arkeyey in caqabadda ugu weyn ee Cabdikariin wejahi doonaa ay tahay in aanu ka soo bixin xisbiga talada hayay ee Kulmiye.

Wiigii hore, waxaa madaxtooyada ku kulmay Cabdikariin Axmed Mooge iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulankaas, oo war-saxafaadeedkii ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in madaxweynuhu ajiibay baaq uga yimi Cabdikariin.

Waxaa kulankaas madaxweynaha uu ka sheegay, “in xaqiisa uu la baadi dooni doono”.

“Codkaagii sahal muu ahayn, nin waxaagii ma diidi karo. Codkiinnii iyo miisaankiinna xisbi iyo sharci midna ma diidi karo,” ayuu ka yidhi Madaxweyne Muuse Biixi, kulankaas.

Cabdikariin Axmed Mooge, maaddaama uu ka soo baxay xisbi mucaarad ah, waa mid ka mid ah fursadaha uu haystay.

Inkasta oo musharrax kastaa dadkiisa uu wato, taageerada uu haystaana ay caddayn u tahay in uuba u soo baxi karo kursiga uu u taagan yahay, haddana waxaa jira dad tiro ah oo siyaabo kala duwan oo si badheedh ah ugu muujiyay taageerada Cabdikariin.

Waxaana u danbeeyay Madasha Barkulanka Somaliland-jire, oo ka kooban waayeel iyo odayaal guurti ah oo sheegay in ay tahay in xilkaas lagu ixtiraamo Cabdikariin Axmed Mooge.

“Waxaan ahay nin aan qabiil matali doonin cid walba oo reer Hargeisa ah u doodi doona islamarkaana matali doona, xisbiga aan maalayana aan ka horreysiinayo inaan shacabkeyga Hargeisa aan wada matali doono aniga oo aan u abtirinayn.” ayuu yidhi

“Qofka ay u soo dooranayan golaha deegaanka aad ha uga fiirsadaana maadaamaa qof aad soo doorataan uu ku xidhan yahay mustaqbalka Hargeisa.”

“Cabdikariin waxa uu sidoo kale uu noqon doonaa xildhibaanka matali doono dhamaan shacbka hargeysa.”

Waxa uu qabanayo

Cabdikariin, ayaa sheegay inuu ka jawaabayo xilka ay 31 May u doorteen shacabka isagoona u sheegay in shanta sanno ee soo socota uu aahaan doono hiilkooda.

“Waxaan ahay mudane gole deegaan oo huwan codkii ugu badnaa oo ay bixiyaan shacabka reer Hargeysa iyo shacabka Somaliland. Waxaan ahay mudane Qaran, mana noqonayo mudane qolo ku suntan.”

“Waxaa iga go’an in aan rumeeyo riyooyinkiinna iyo rajadinnaba, qof kasta oo tabanaya inuu mudane xaafaddiisu u soo bixin, aniga ayaana mudane u ah.”

Waxuu sheegay in sinnaanta iyo caddaallad uu xoojin doono.

“Waxaynu kor yeeli doonnaa sinnaanta, wada noolaashaha, reer Hargeysanimada, waxaan soo afjari doonnaa oo aan halgankeedi sii wadi doonnaa qabiilka iyo qolo-qolada.”

Sidee loo qurxin karaa magaalada Hargeisa?

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ballan qaaday inuu magaalada Hargeysa aad u qurxin doono oo uu bilicdeeda baddeli doono.

“Magaala Cagaaran ayaan sameynayaa. Barnaamijkeyaga wuxuu leeyahay qof iyo geed, Guri iyo geed. Guri kasta waxaan ka raba ugu yaraan hal geed inuu beero, qof kasta oo reer Somaliland ahna waxan ku wacyigelineynaa inuu hal geed beero.

“Ciiddan iyo bustan magaalada yaalla markaan ka gurno hubaal magalada Hargeysa waxay noqoneysaa magaalada cagaaran. Dowladda hoosana waxay waraabineysaa dhirta, xoolahana magaalada dhex daaqayana waan ka saarayaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here