Somaliland iyo Taiwan oo Kala Saxeexday Heshiis Caafimaad

0
3448

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dowladdaha Somaliland iyo Taiwan, ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah u kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo dhanka Caafimaadka ah.

Dowladda Somaliland, ayaa waxaa heshiiskan u saxeexay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbedda Somaliland ahna ku simaha wasiirka Libaan Yuusuf Cusman.

Sidoo kale, waxaa heshiiskan dowladda Taiwan u saxeexay Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan Joseph Wu.

Heshiiskan iskaashi ee dhanka Caafimaadka ah ee ay kala saxeexdeen dowladdaha Somaliland iyo Taiwan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka ee dowladdaha Somaliland iyo Taiwan

Heshiiskan oo ku saabsan horumarinta caafimaad, ayaa waxa uu qayb ka yahay iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Taiwan.

Geesta kale, Labada dowladood, ayaa kala saxeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maalgeliso dhismayaal cusub oo lagu kordhin doono cisbitaalka wayn.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka ee guud ahaan Somaliland.

LEAVE A REPLY