Gabiley (HP): Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta salaadii Ciidul Adxa la tukaday dadweynaha magaaladda Gabiley.
Tukashadda salaadda Ciidda waxaa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayay wasiirka Tignoolajiyadda iyo Isgaadhsiinta JSL, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Siciid Xasan Habane, maayarka Gabiley, iyo masuuliyiin kale.
C/raxmaan Saylici, oo tukashadii salaadda kadib dadweynaha la hadlay ayaa Alle SWT ka baryay inuu inaga aqbalo acmaashii maalmahan la gudanayay.
DAAWO: Hadalkii C/raxmaan Saylici:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.