Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa si adag ugu jawaabay murashaxa xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro.
Waxaanu sheegay wasiirku in C/raxmaan Cirro, markii uu ahaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland in golaha Guurtidu ay dhawr jeer u kordhiyeen muddo xileedka golihii xiligaa.
Hase yeeshee in aana la aqbali karin inuu maanta xaaraan ku sheego muddo kordhinta ay u sameeyeen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Wasiir Maxamef Xaaji Aadan, waxa kaloo uu tilmaamay in madaxweyne Muuse Biixi, mudadda uu tallada hayay inuu waxqabad aad u badan dalka ka hirgeliyay, isla markaana uu xaq u leeyahay in muddo xileedka loo kordhiyo.
DAAWO: Wasiirka dasturka oo u jawabay Cabdiraxmaan Cirro:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.