Bulshada Somaliland Sinaba Wax Looma yeeli karo Diinteeda iyo dhaqankeeda

0
540

Sida la wada ogsoonyahay Hilaadda qarnigii 18aad dabayaaqadiisii oo ku taariikhaysan 1874-1884kii, waxa Somaliland yimid dawlad ingiriis ah, ingiriiskaasi wuxu carriga somaliland joogay ku dhawaad qarni 67-83 sannadood, ingiriis waxa la socday ajaanib badan sida (hindi, yemen, south africa, ruush, pakistan, sawaaxili, carab iyo qaar kale).

Ingiriis oo dunida badankeeda guumaystay, si la ogyahayna u galay, wax guumaysi ah iyo amar culus midna wuu ku kari waayey waanuu kula dhici waayey Somaliland, iyadoo la ogyahay sidu ingiriis u baabiin jiray dhammaan dawladihii uu guumaystay ee uu diin, dhaqan iyo afba u baabiiyey. Somaliland waxay sidaa ku noqotay meesha kaliya ee aan la addoonsan karin.

Ingiriis si foolxun ayuu ugu fashilmay inuu fara-galiyo diinta, dhaqanka iyo afka Somaliland, waxa la waayey qof reer Somaliland ah oo ay duufsadaan, iyadoo tirada bulshada Somaliland xilligaa ayna ka badayn nus malyuun qof.

Hadafkii laga dharagsanaa iyo Qorshihii ingiriis ee ka hirgalay dhulalka kale ee uu guumaystaa sinaba wuu uga hirgali waayey Somaliland, ku talo-galkii ajaanibta lala rabay inay dhex galaan bulshada Somaliland isna wuu fashilmay, waatii la ogaa inay iskood uga hayaameen, markay gar-waaqsadeen inayna dadka Somaliland aan haba yaraatee lagu milmi karin, lana dhex gali karin.

Saan-caddaale iyo saan-madoobe midna uma yaraysan Somaliland, geed dheer iyo mid gaabanba waa loo fuulay in la fasahaadiyo, in diintooda la fara-geliyo, in dadkooga la fasaqo iyo in dhaqankooda la sadheeyo, balse horana looma arag dibna loo arki maayo cid hagar-daamayn karta dadka somaliland iyo waxay aaminsanyihiin.

Taariikhna laguma hayo dabin reer Somaliland loo dhigay oo lagu guulaystay.
Wixii la odhon jiray soomaali-weyn, oo loo aqoonsanaa quwadda africa, iskuna dayday inay cidhib-tirto dadka Somaliland, ayaa mahadin waydey duullaankeegii, ilaa maantana la il-daran jabkii ka gaadhay dadka Somaliland.

Waxa la ogyahay, haayado mashruuc gurracan iyo ujeeddo dahsoon wata, oo Somaliland yimid, balse yoolkoogii khasaaray.

Waxa la ogyahay in gaalo si kasta ugu dadaashay waxyeelleynta Somaliland, balse tacabkeed ba’ay.

Waxa la ogyahay in dhuuni-qaate lasoo hagaa afka ciidda daray. Waxa la ogyahay in wadaad iyo waranleba ay eedeen waxyeelleynta Somaliland.

Waddanka Somaliland waxa ka dul babanaya calan tawxiid ku xardhanyahay, waxa hubaal ah in haddii adduunyadu intay ka tiro leegtahay isku bahaysato dhagarta Somaliland, inayna libin ka qaadi karin.

Maanta iyo maalin kale toona Nin cad iyo naag madow midna saamayn kuma yeelan karto Somaliland diinteeda, dhaqankeega iyo dawladnimadeeda. Dad la dooriyey iyo dad la dulleeyey iyo dad la diimeeyey midna lagu arki maayo Somaliland.

Dalkan diintiisa dadkiisa gaalo way ku daashoo dan bay uga huleeshay.
Diinta islaamka ALLAAH ayaa ilaashanaya.

Haddii la ogyahay in meel kasta oo laga ooyayo ama lagu murmayo dunida ay dhul islaam tahay, Somaliland way ka duwantahay, waana waddanka dunida ALLE balaadhiyey ugu nabad iyo xaaillooni badan. Waana deeq ILAAHE mahaddaa RABBI baa leh.

LEAVE A REPLY