Hargeysa, (HargeisaPress) — Ururrada bulshada rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horreysay u gudbiyey Qarammada Midoobay warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha xaaladaha xuquuqal-insaanka ee Somaliland.
Warbixinta bulshada rayidka oo ka kooban 15 bog, waxa si gaar ah loogu gudbiyey Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qarammada Midoobay taariikhdu markay ahayd 1 July 2015, taasoo ay sheegeen inay qayb ka tahay warbixinno dal kastaaba goonidiisa u diyaariyo afartii sanno hal mar, dibna loogu eego xaaladdiisa xuquuqal-insaanka (Universal Periodic Review), isla markaana ah markii u horreysay ee warbixin Somaliland leedahay si gaar ah loogu gudbiyo UN-ka.
Ururrada bulsahda rayidka ah, ayaa warbixintooda oo ku qornayn luqadda Ingiriiska oo Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah ku sheegay in lix doorasho oo kala duwan ka dhaceen dalka ilaa sannadkii 2001, haddana la qorshaynayo in la qabto laba doorasho sannadka soo socda ee 2016, iyadoo warbixintu muujisay inay jiraan caqabado haysta hirgelinta doorashooyinka dimoqraadiga, kuwaasoo ay ka mid yihiin dib-u-dhacyada, muddo-korodhsiga, dhinacyada sharciyada, hay’adaha dawladiga ah iyo dhaqaale la’aan.
“Dib-u-dhaca doorashooyinku waxay ka ilaaliyaan muwaaddiniinta xaqa ay u leeyihiin inay si muddaysan u muujiyaan xaqa codbixinta. Waxa intaas dheer in dumarku la kulmaan caqabado kala duwan oo ka mid yihiin dhaqanka, dhaqaalaha, caqabadaha siyaasadeed, kuwaasoo hoos u dhiga ka qaybgalka siyaasadeed ee dumarka, laakiin dhallinyarada ayaa fursad helay iyagoo inta badan kuraasta ku guulaystay doorashaddii Golayaasha Degaanka ee Somaliland ka dhacday sannadkii 2012.”
Waxa kaloo warbixintu tilmaantay in aannu si madaxbannaan u shaqayn Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, kaas oo ay xuseen in aan dhismihiisa lagu salayn mabaadii’da aasaasiga ah ee xusuuqda aadanaha, waxayna ururrada bulshada rayidka ah ku taliyeen in laga shaqeeyo sidii Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranku si madaxbannaan oo dhexdhexaad ah looga shaqaysiin lahaa, loona dhisi lahaa.
“Adeegyada caafimaadka laguma fidin meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Degaannada miyiga iyo goobaha fog ee dalka aad ayey u xaddidan tahay inay helaan adeegyada aasaasiga ee caafimaadka, iyagoo xirfadlayaasha caafimaadku aanay ku filnayn, badankooduna waxay u shaqaystaan si madaxbannaan, balse adeegyada ay fuliyaan goobaha caafimaadka ee madaxbannaan waxa laga helaa oo qudha magaalooyinka waaweyn, waxana fursad u hela cidda bixin karta kharashka badan ee ay qaataan. Dadka faqiirka ah iyo bulshada tabaalaysan maaha qaar heli kara adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, waayo adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan waa qaar aad u qaali ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta bulshada rayidka ah ee Somaliland u gudbiyeen Qarammada Midoobay oo qaybaha ugu muhiimsan Jamhuuriya u beddelay Afsoomaali.
Sidoo kale, waxa warbixinta lagu sheegay in qodobka 28aad ee dastuurku dammaanad qaaday in qof kastaa caddaalad iyo sinnaan ka helo hay’adaha garsoorka hortooda, si madaxbannaanna isku difaaci karo, halka qofka aan awoodin inuu qareen kiraysto ay waajib tahay in dawladdu u qabato looyar difaaca.
“Haseyeeshee, maxkamaduhu maaha qaar ku fidsan amma la gaadhsiiyey dhammaanba qaybaha kala duwan ee dalka, gaar ahaan degaannada miyigi iyo goobaha fog ee Somaliland. Dadka xoolo-dhaqatada, beeralayda iyo dadka ku nool degaannada miyigu waxay si xooggan ugu tiirsan yihiin inay khilaafkooda ku xalliyaan hab dhaqan ah, iyagoon lahayn awood ay ku gaadhaan maxkamadaha dawladda ee sharciga. Waxa kaloo aad u xaddidan tirada garsoorayaasha ee ka hawlgala maxkamadaha dalka. Dumarka, dadka danyarta ah, bara-kacayaasha iyo guud ahaanba dadka tabaalaysan waxa caqabado ka haystaan inay fursad u helaan gaadhista caddaaladda ama garsoorka (Access to Justice). Qof jeclaysiga, saamaynta siyaasadeed iyo hufnaan la’aan, ayaa sabab u ah in la helo caddaalad loo siman yahay iyo xor ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Ururrada bulshada rayidka ah, ayaa sidoo kale warbixinta ay u gudbiyeen Qarammada Midoobay ku sheegay in dumarku dhibaatooyin badan ku qabaan Somaliland, isla markaana aanay si caddaalad ah u helin xaqooda siyaasadeed, hay’adaha garsoorkana ka helin garnaq caddaalad ah, gaar ahaan markay la kulmaan falal iyo dambiyo lagu waxyeeleeyo sharaftooda, sida kufsiga oo kale.
Waxa kaloo warbixinta lagaga hadlay dhibaatooyin kala duwan ee haysta dhallinyarada dalka, iyagoo Ururrada Bulshada Rayidku iftiimiyey in 65% dadweynaha Somaliland yihiin dhallinyaro la kulma shaqo la’aan baahsan oo sababta in da’yar badan galaan safarka halista ee tahriibka, nafahoodana ku waayaan saxaraha iyo badweynta, waxayna soo jeediyeen in loo baahan yahay shaqo-abuur iyo barnaamijyo lagu joojinayo tahriibka oo saamayn xooggan ku yeeshay Somaliland.
Bulshada Rayidka ah, ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in dastuurka Somaliland caddeeyey xaqa madaxbannaanida saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka, dalkana ka jiraan 18 wargeys oo madaxbannaan, telefishanno madaxbannaan iyo in ka badan 80 shabado wararka ah (websites), halka ilaa 1400 suxufiyiin iyo weriyeyaal ah ka hawlgalaan gudaha Somaliland iyo weliba warbaahin dawladdu maamusho oo kala ah; idaacad (Radio Hargeisa), hal telefishan (SLNTV) iyo laba wargeys oo mataano ah (DAWAN iyo the Horn Tribune), saxaafadduna si madaxbannaan uga shaqayso waddanka iyadoon lagu samayn wax faaf-reeb ah (Censurship).
Hase ahaatee, waxa warbixinta lagu xardhay xadhigga iyo dhibaatooyinka loo geysto suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta madaxbannaan oo aad u korodhay afartii sanno ee u dambeeyey, muddadaas la xidhay in ka badan 90 suxufi, xayiraadna lagu soo rogay laba telefishan oo kala ah; HCTV iyo Universal, inkastoo markii dambe la fasaxay, sidoo kalena la xidhay xarumaha wargeysyada Hubaal iyo Haatuf, balse muddo dheer kadib Hubaal laga qaaday xayiraadda sannadkan 2015, halka uu ilaa hadda xayiran yahay wargeyska Haatuf.
“Xadgudubyada ay sameeyaan masuuliyiinta dawladda, gaar ahaan garsoorayaasha maxkamaddaha Somaliland ayaa caqabad kale ku ah xorriyatul-qawlka, inkastoon wax faaf-reeb ah lagu samayn saxaafadda, haddana madaxda Somaliland aad ayey ugu nugul yihiin warbixinaha saxaafaddu ka baahiso, sidaas darteed waxa ay awoodda dawladda u adeegsadaan inay aamusiyaan suxufiyiinta wax ka qora musuqmaasuqa iyo qaraabo-kiilka masuuliyiinta qaranku sameeyaan, waxana jira in dhaqannada sii kordhaya ee madaxda dawladdu ku kacaan ay minjo-xaabinayaan xorriyatul-qawlka iyo doorka warbaahintu ku leedahay inay culayska saarto sidii loo heli lahaa dawlad-wanaag iyo xaqa macluumaad-helista,” ayaa lagu yidhi warbixinta loo gudbiyey Qarammada Midoobay.
Ururrada Bulshada rayidka ah ee warbixintan diyaariyey oo tiradoodu dhan tahay 40 urur oo ka kala hawlgala gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa ka mid ah; Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee (SONSAF), Ururka dhallinyarada ee SONYO, Isku xidhka Haweenka ee Nagaad, hay’adda xuquuqal-insaanka ee HRC, Havayoco, Madasha dadka naafadda ah ee SNDF, Ururka qareennada haweenka (SWLA), shabakadda isku xidhka dadka la nool cudur-dhaliyaha HIV/AIDS ee la yidha Talo-wadaag, xarunta Gargaarka Sharci ee Jaamacadda Hargeysa (Legal Aid Clinic) iyo ururo kale oo, kuwaasoo sidoo kale warbixintooda ku iftiimiyey in aanay xaqooda si buuxda u helin bulshada naafada ah, dadka la nool HIV/AIDS-ka, bulshada jilicsan iyo bara-kacayaasha ku dhaqan gudaha Somaliland.
Jamhuuriya