Boqollaal Muhaajiriina Oo Laga Saaray Dalka Tunisia

0
420

Tunis (HP): Ku dhawaad 300 oo qof oo muhaajiriin ah, ayaa Sabtidii shalay laga qaaday dalka Tunisia, iyagoo dib loogu celiyey dalalka Mali, iyo Ivory Coast, kadib markii ay soo waajahday cabsi ku aadan rebshado muhaajiriinta ka dhan ah.

Tan iyo markii uu madaxwayne Kais Saied, bilaabay dhaq-dhaqaaq ka dhan ah muhaajiriinta.

Bishii hore ayuu madaxweyne Kais Saied, ku amray saraakiisha in ay qaadaan muhaajiriinta Tallaabooyin deg-deg ah oo ay wax kaga qabanayaan socdaalka aan caadiga ahayn.

Isagoo na ku andacoonaya caddayn la’aan ah in qorshe dambiyeed uu socdo, kaasi oo lagu isir beddelayo shacabka reer Tunisia.

Madaxweyne Saied, ayaa sheegay in muhaajiriinta ay ka danbeeyaan danbiyada ugu badan ee ka dhaca dalkaasi ku yaalla waqooyiga Afrika, taasi oo sii hurineysa weerrarada ka dhanka ah muhaajiriinta.

Geesta kale ururka Midawga Afrika, ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin hadalkaasi ka soo yeedhay madaxwqeynaha Tunisia.

Iyadoo dawladaha gobolka ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ay u xusul duubayaan sidii ay dalkooda ugu soo celin lahaayeen boqolaal muwaadiniin ah oo ay cabsi wajahday kuwaasi oo ku aruuray safaaradaha dalalkooda ee Tunisia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here