Boorama: Maayarka Oo Furay Kal-fadhigii Labaad Ee Golaha Deegaanka

0
482

Boorama (Hargeisa Press): Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta dawladda hoose ee degmadda kal-fadhigii labaad ee golaha deegaanka degmadda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Kal-fadhigaasi ayaa la qorsheeyay inuu socon doono muddo saddex maalmood ah, isla markaana noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan golaha deegaanka cusub ee Boorama.

Waxaana furitaanka kal-fadhigaasi ka soo qayb galay xildhibaanadda golaha deegaanka Boorama, shanta agaasime waaxeed ee dawladda hoose ee Boorama.

Sidoo kale waxaa furitaanka kal-fadhigaasi ka soo qayb galay guddiyadda nabadgeliyadda ee afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay  degmadda Boorama.

Kal-fadhigaasi ayaa inta uu socdo waxaa lagu gorfayn doonaa qorshaha horumarineed magaaladda Boorama, iyo dar-dar gelinta hawlaha shaqo ee dawladda hoose ee degmadda Boorama.

Sida uu sheegay duqa degmadda Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo hadal ka jeediyay furitaanka   kal-fadhigaasi maanta ee golaha deegaanka Boorama.

Maayar Maxamed Axmed Warsame, waxa uu tilmaamay in fadhigaasi lagaga tashan doono qorsheyaasha degmadda hor yaalla,  iyadoo ajandeyaashuna sida ay u kala horeeyaan loo kala qaadan doono.

Waxaan bilawga arrintaasi xogta laga dhegaysayay agaasime waaxeedyadda afarta xaafadood ee magaaladda Boorama oo  warbixinno siiynayay golaha deegaanka.

Sidoo kalena in wada tashi lala sameeyo bulshadda ku kala nool afarta waaxyood ee xaafadaha magaaladaasi ee fadhigaasi ka soo qayb galay, sida uu sheegay maayarku.

Gebagebadda kal-fadhigaasi ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan qorshaha ay dawladda hoose ee Boorama ugu tallo gashay in ay bulshadda u soo bandhigaan.

 

DAAWO: Maayarka Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here