Booliska Somaliland oo xabsiga u taxaabay Digtoor Khaalid Beergeel

0
1493

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabey Dr. Khaalid Xasan Cabdillaahi (Beergeel) oo ah digtoor ku takhasusay xanuunnada dumarka iyo hooyada uurka leh.

Digtoor Khaalid Beelgeel, ayaa sida la sheegay waxaa uu la xidhiidhaa, kadib markii uu dhaliilo warbaahinta uga jeediyay Agaasimaha waaxda Hooyada iyo Dhallaanka ee cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Digtoor Khaalid, ayaa waxaa uu sheegay in qaladaad badan ay ka jiraan qaybta hooyada iyo dhallaanka ee cusbitaalka Hargeysa.

Waxaanu digtoor Khaalid Beergeel uu sheegay in maalin kasta ay hooyo ugu geeriyooto Cusbitaalka guud ee Hargeysa farsamo xumo iyo daryeel la’aan.

Hoos ka daawo dhaliishii digtoorka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here