Booliska Somaliland oo gacanta kusoo dhigay Ragii dilka ka gaystey Gabiley

0
1789

Gabiley (Hargeisa Press)- Ciidamada Booliska Somaliland ee gobolada Gabiley iyo Awdal oo iskaashanaya, ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen saddex eedaysane dhawaan magaalada Gabiley ku dilay Marxuum Buux Mawliid Ismaaciil.

Ciidamada Booliska, ayaa waxaa ay hawlgallo iyo dadaal xooggan oo ay sameeyeen ka soo qabteen dhammaan eedaysanayaashii degaanka Cali Xaydh ee Gobolka Awdal, Sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland.

Warka Taliska Ciidamada, ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaantood eedaysanayaashaas si degdeg ah loo horgeyn doono ha’yaddaha garsoorka.

Saddexda eedaysane ee Ciidamadu gacanta ku soo dhigeen, ayaa waxaa ay 8 bishan Marxuum Buux oo ka tirsanaa Ciidanka nabadgelyada Wadooyinka, ku dileen magaalada Gabiley, iyagoona isla markiiba goobta ka baxsaday.

Hoos ka akhriso bayaanka Ciidanka

“Ciidamada Booliska JSL ee Gobolka Awdal iyo Gabiley oo iskaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Saddex  eedaysane oo ku eedaysan inay 8-da Bisha 2025, magaalada Gabilay ku dileen Marxuum A/le  Buux Mawliid Ismaaciil.

Hawlgallo iyo dadaal xooggan oo ay sameeyeen Ciidanku, waxaa lagu soo qabtay dhammaan  eedaysanayaashii  degaanka Cali Xaydh ee Gobalka Awdal, dhammaantood eedaysanayaasha waxa degdeg loo horgayn doonaa Ha’yaddaha garsoorka.

Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL , waxa  tacsi u diray ehelka, qaraabada, iyo dhammaan Ciidanka Booliska JSL oo uu ku tirsanaa marxuumku.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here