Taliye Nuux Taani Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Dagaal Saaka Ciidanka Qaranka Iyo Kooxaha Huwanta Ah Ku Dhexmaray Duleedka Laascanood

0
1091

Hargeysa,(HargeisaPress)–Maleeshiyaadka Huwanta Laascaanood ayaa khasaare ba’an iyo Jab kala kulmay weerarro dhowr jiho ah oo ay ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee gobolka Sool.

Dagaalka oo goor-dhawayd joogsaday ayaa ka socday Galbeedka magaalada Laascaanood, gaar ahaan agagaarka Kaalinta Shidaalka Ina Jabuutaawi iyo Wershada Laydhka.

Wararka aanu helnay ayaa sheegaya inay malleeshiyaadku firxadkii u yaaceen dhinaca xaafadaha ku yaalla Koonfur-Galbeed magaalada Laascaanood, kaddib markii Ciidamada Qarankuna Jab iyo khasaare laxaad leh gaadhsiiyeen maleeshiyaadka oo gabbood ka dhigtay dhismaha xaafadaha magaalada.

Sidoo kale, Dagaal ka socday dhinaca Bari ee magaalada, ayaa joogsaday 4tii galabnimo ee maanta, kaddib markii ciidanka qaranku baacsadeen malleeshiyaadka oo gudaha u galay magaalada Laascaanood.

Dagaallada maanta ka dhacay Gobolka Sool, ayaa bilaabmay kaddib markii maleeshiyaadku weerareen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee deegaanka Dhaban-saar oo Jihada Galbeed kaga beegan laascaanood ama 24km jihada Koonfur-Galbeed kaga beegan Tuulo-Samakaab oo fadhiisin u ah Guutada 7aad ee Ciidanka Qaranka.

Dagaalka Saaka ka dhacay Deegaanka Dhaban-Saar, waxa maleeshiyaadka Huwanta ah lagaga gubay 6 Gaadhi oo tikniko, waxaanay jabkoodii markii dambe u yaaceen tuulada Badhi-Hadhac oo 21km Jihada Bari ka xigta Magaalada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo warbaahinta la hadlay maanta, ayaa sheegay inay Ciidanka Qaranku khasaare ba’an ugu geysteen malleeshiyaadka Huwanta saddexda Dagaal ee maanta ka dhacay gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here