Berbera (HP): Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in ay meel wanaagsan oo gebogabo ah marayso hawsha qodista ceelal biyood iyo biyo-balaadhinta magaaladda Berbera.
Maxamed Muuse Diiriye, oo ku sugan magaaladda Berbera oo uu hawlo shaqo u jooga oo maanta la hadlay warbaahinta.
Ayaa u jeedadda socdaalka uu ku joogo Berbera ku tilmaamay sidii uu u kormeeri lahaa qodista Ceel-biyood oo ka socda gobolka Saaxil iyo sidoo kale goobaha biyuhu uga yimaadaan magaaladda Berbera.
Waxa uu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii guud ahaanba bulshadda Somaliland ay u heli lahaayeen biyo ku filan.
Waxa kaloo uu xusay in xataa deegaamadda dhinaca Hawdka ee ay ka qodi doonaan dhawaan ceelal biyood inta u dhaxaysa Cadaroosh oo ka tirsan gobolka Maroodijeex ilaa Dharkayn Geenyo oo Buuhoodle ka tirsan.
Daawo Wasiirka Oo Arrimahaas Ka Warbixinaya:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.