Barnaamijka Wax-qabadka Xukuumadda JSL Ka Hirgalisay Gabiley

0
630

Gabiley (Hargeisa Press)- Mudadda shanta sanadood ku siman ee ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, talada dalka haysay waxay gobolka Gabiley ka hir gelisay mashaariic aad u fara badan.

Mashaariicdaasi horumarineed oo isugu jira qaybo badan oo kala gedisan ayaa qaarkoodna dhamaadeen halka kuwo kalena ay weli socdaan.

Haddii aan soo qaadano mashaariicdaasi waxaa ka mid ah Ceel biyood, Dhaamka ugu weyn dalka, Maktabadda Akhriska Gabiley, xarumaha kaydka calafka xoolaha.

Xarunta Kaydka raashinka qaranka, laanta baanka dhexe ee Tog-wajaale, saldhigyo boolis oo cusub, xarumo caafimaad, dugsiga farsamadda gacanta.

Hirgelinta dhismaha xeer ilaalinta gobolka Gabiley, iyo mashaariic kaloo aad u fara badan oo qaarkood ay weli socdaan.

Mashaariicdaasi horumarineed ee ay xukuumqdda madaxweyne Biixi, hirgelisay waxaa ka warbixinaya badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe.

Waxaanan halkan idiin ku soo gudbin doonaa barnaamij ku saabsan waxqabadka xukuumadda ee Gabiley oo uu diyaariyay telefishanka qaranka Somaliland.

DAAWO: Barnaamijka Wax-qabadka Xukuumadda JSL ka Hirgalisay gobolka Gabiley:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here