Bangiga Dhaxe Somaliland oo digniino kasoo saaray Appliction lagu dhacay Soomaalida

0
1390

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa waxaa uu digniin culus ka soo saaray qaab sharci darro ah oo muddooyinkii u dambeeyey lacago lagaga dhacaayay bulshada Soomaalida.

War-saxaafadeed uu soo saaray Bangiga Dhexe, ayaa lagu sheegay in bulshada looga digayo isticmaalka Appliction-kaas.

Sidoo kale, waxaa uu Bangiga Dhexe uga digay cidkasta oo fududaysa ama ka shaqaysa hawshaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Bangigu, waxaa kaluu sheegay inuu cadaynayo cidkasta oo lacag lagaga dhaco hannaanka Appliction-kaas, ay tahay cid lacagteeda ugu talo gashay inay cid kale lunsato.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here