Somaliland iyo Mareykanka oo ka wadahadlay heshiiska Itoobiya

0
3318

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socda Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayo Ambassador Richard H. Riley oo maanta soo gaadhay dalka.

Sida lagu Sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, madaxweynaha Somaliland waxa uu goor-dhawayd kulan kula qaatay madaxtooyada Safiirka Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaalida iyo dublomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu kala magaaabo Geoffrey Parker iyo Obermueller Martin.

Madaxweynaha Somaliland oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Keyd, waxa uu weftiga Mareykanka kala hadlay arrimo khuseeya xidhiidhka labada waddan, nabadgelyada guud ee mandaqada geeska Afrika, arrimaha doorashooyinka, heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu horayn xog-waran guud ka siiyey safiirka arrimaha doorashooyinka Somaliland ka qabsoomi doona dabayaaqada Sannadkan, Waxaanu Madaxweynuhu xusay inay juhdi badan gelinayaan doorashada, culays kasta oo ay ku tahay Somaliland, kuna qabanayaan wakhtigeeda, iyadoo aanay cidina gacan ku siin, taana ay isla ogolyihiin reer Somaliland iyo axsaabta in dalka doorasho ka dhacdo, xukuumaduna ay dhamaystirtay waxkasta oo suurto-gal ka dhigaya in dalku u dareero doorashooyin,” Sidaa waxa lagu Sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu safiirka faahfaahin ka siiyey nabadgelyada mandaqada geeska Afrika, waxaanu is-dultaagay heshiiska is-afrad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya, isagoo xusay in labada dal wixii ay ku heshiiyeen ay iyaga u gaartahay, isla markaana wax dhibaato ah aanay dalal jaarka iyo caalamkaba u lahayn, balse ay soo kordhin doonto iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dedaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka. Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey in Somaliland ay u leedahay waayo aragnimo buuxda wixii khilaafaad ah ee dhexdeeda ah, kuna dhamaysto gudeheeda xal nabadgelyo.”

Warku wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu Dowladda Mareykanka kala hadlay mowqifka maamulka Muqdisho ka qaatay heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu madaxweynuhu weftiga u sheegay, “Doodda Muqdisho ee ah marka uu hirgalo heshiiska isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxa xoogaysanaysa Al-shabaab, kaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay, marka uu hirgalo, waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabadgelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dawladaha Afrika ee xornimada ka qaatay Isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii Isticmaarka,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi safiirka Mareykanka, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in Safiirka Mareykanku uu caddeeyey inay dowladdiisu diyaar u tahay sii xoojinta Xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo Mareykanka isla markaana ay bogaadinayaan, soona dhaweynayaan horumarka iyo dimuquraadiyada Somaliland ku tallaabsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here