Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo Maalintii Labaad Galay

0
1229

Hargeysa (Hargeisa Press) – Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaa Maalintii labaad ka socda bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta  Hargeysa, kaasi oo ay sannad kasta bisha 7-aad soo qaban-qaabiso Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Bandhigga carwada Buugaagta Hargeysa oo soconaysa muddo Toddobaad ah, ayaa Maanta oo ahayd Maalintii labaad waxa lagu qabtay Doodo leh ciwaanno kala duwan, kuwaasi oo dhammaantood ku jira Diwaanka Doodaha qorshaysan in halkaa lagu qabto muddada Qorshuhu yahay in Bandhiggu socdo.

Doodaha Maalinta labaad ee Bandhigga carwada la qabtay waxa ka mid ah ‘Sida looga faa’idaysan karo Xoolaha nool iyo Dhaqannada Shucuubta ku nool Somaliland iyo Itoobiya & xidhiidhka soo jireenka ah ee labada Ummadooda’ kuwaasi oo lagu tilmaamay kuwo heerkoodu sarreeyo.

Doodahan oo ay ka qayb-galeen khuburro arrimahaa ku xeel-dheer, ayaa waxa lagu Lafo-guray siyaalaha loo horumarin karo ka faa’daysiga Xoolaha, iyadoo la isla soo qaaday sifooyin badan oo ku habboon Horumarintooda, sida bedbaadada deegaanka, Maal-gelinta Xoolo-dhaqatada iyo ka War qabka caafimaadka xoolaha.

Waxa kale oo Maalinta labaad ee Bandhigga carwada la soo bandhigay, laguna falanqeeyay Buugaag laga qoray Abwaannada kala ah Saxar-diid Jebiye iyo Cismaan Askari, kuwaasi oo khuburro soo dersay ay ka warrameen doorkii Abwaannadu ugu jireen Bulshadooda Soomaaliyeed iyo siday Suugaantooda ugu salka lahayd Nolosha Aadamaha.

Sidoo kale, Maayirrada Magaalooyinka Somaliland qaarkood, ayaa Maalinta labaad ee bandhigga carwada ku soo bandhigay qorsheyaashooda horumarineed ee Magaalooyinka dalka.

Sidoo kale, waxa dood laga yeeshay qorsheyaasha Magaalaynta ee Geeska Afrika, waxaana diirradda lagu saaray hababka ugu muhiimsan ee loo raaci karo arrintaasi.

Dooddaasi waxa daadihiyey Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, Jaamac Muuse Jaamac.

Cabdikariin Axmed Mooge oo ah Duqa Hargeysa oo ka qayb-galay doodaha Maalinta labaad ee Bandhigga carwada, ayaa soo ka warramay qorsheyaashiisa horumarineed ee caasimadda, waxaanu tilmaamay inay marka koowaad ahmiyadda siinayaan Nadaafadda, si bilicdii Magaaladu u soo noqoto, qorsheyaashooda xigaana ay ka mid yihiin inay wax ka qabtaan Waddooyinka, sameeyeena qorshe-magaaleedka Hargeysa ee cusub.

Maxamed-Amiin Cumar Cabdi oo ah Maayerka Gabiley oo isaguna ka qayb-galay doodda la xidhiidha horumarinta Magaalooyinka, ayaa soo bandhigay Qorsheyaasha Golaha deegaanka Gabiley ee uu Guddoomiyaha u yahay, waxaanu ka warramay waxyaabihii ay hore u qabteen iyo waxyaabaha ay doonayaan inay qabtaan mar haddii mar labaad la soo doortay, kuwaasi oo uu ka xusay horumarinta Adeegyada Bulshada.

Waxa kale oo doodaha Maalinta labaad ku jiray mid khuseeya Haweenka, Lamaanaha iyo saamaynta dagaallada Geeska Afrika, waxaana ka faallooday khuburro ku xeel-dheer arrimahaas oo Gobolka oo dalalka Gobolka ka socda.

Doodahan oo intii ay socdeen Dadweynaha ka qayb-galay ay khuburrada su’aalo ka waydiinayeen isla-markaana looga jawaabayey, ayaan ku koobnayn intaas aynu kor ku xusnay oo keliya, balse waxa barbar socday qaybo Madadaalo ah, waxaana Fanaaniin waaweyni halkaa ka qaadeen heeso Qaraam ah oo Dadku ku nasanayeen.

Bandhiggan oo noqonayaa kii 14aad, waxa sannadkan hal-ku-dheg looga dhigay “Deris-wanaagga”, waxaana marti ku ah dalka Ethiopia oo agabkiisa hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhdiisa dhaqan ee uu leeyahay lagu soo bandhigay. Isla markaana waxa ka soo qeybagalay Wefti ka socda dawlada Federaalka Ethiopia iyo Dawlad-Deegaanka Soomaalida-ba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here