Xildhibaanadda Goleyaasha Deegaanka Dalka Oo Tababar Loo Qabanayo

0
806

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shaaciyay in dhawaan tababar loo qaban doono dhamaanba maayarrada degmooyinka dalka iyo xildhibaanadoodaba.

Tababarkaasi ayuu sheegay wasiirku in goleyaasha deegaanka degmooyinka dalka ee cusub lagu tababari doono barnaamijka isku xidhka dawladaha hoose ee loo soo gaabiyo JPLG.

Sidoo kale tababarkaasi ayaa lagu qaadan doonaa macluumaad la xidhiidha maamul daadejinta dawladaha hoose iyo maamul wanaagga iyo arrimaha dawladaha hoose.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa kaloo uu sheegay in xildhibaanadda goleyaasha deegaanka dalka tababarkaasi lagu fahamsiin doono xidhiidhka wada shaqayneed ee  ka dhexeeya dawladaha hoose iyo wasaarradaha iyo haayadaha kale ee dawladda.

DAAWO: WASIIRKA OO ARRIMAHAASI KA HADLAYA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here