Bandhigga 17aad Ee Buggaagta Hargeysa oo Sannadkan Lagu Martiqaaday Dalka Tunisia

0
1290

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee (Hargeisa International Book Fair), ayaa bishan inagu soo fooda leh ee July ee sannadkan 2024, ka furmaya Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, taasi oo sannadkii 17-aad oo xidhiidh ah ay qabatay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannad kasta lagu marti-qaado waddamada caalamka midkood iyo hal-ku-dhig ku lammaan, waxa sannadkan marti ku ah Waddanka Woqooyiga Afrika ku yaalla ee Tunisia oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo noqonaya bandhigii 17aad, ayaa waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 20 July ilaa 25 July 2024-ka.

Bandhigga, ayaa waxa sannadkan hal-ku-dheg looga dhigay “Is Ahaansho”, waxaana marti ku ah dalka Tunisia oo agabkiisa hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhdiisa dhaqan ee uu leeyahay lagu soo bandhigi doono sannadkan.

Waxa Bandhigga ka qayb-gala Madaxda ugu saraysa dalka Somaliland, hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka, siyaasiyiin, aqoonyahano, wufuud ka kala socota, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Tunisia, Itoobiya, Jabuuti, Shaqsiyaad qoreyaal, suugaan yahanno iyo dhaqan-yaqaan isugu jira iyo Diblo-maasiyiin ka kala socda waddamo kala duwan oo caalamka ah oo sannad walba lagu maamuuso daah-furka Bandhigga.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo muddo toddobaad ah ka socon doona xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa ah munaasibad-dhaqameed sannad kasta lagu soo bandhigo Arrimo khuseeya dhaqanka, buugaagta, suugaanta, bandhig-faneed iyo aqoon-wadaagis loo soo bandhigo wufuud ka socota in ka badan 30 dal oo sannad walba lagu soo marti-qaado.

Carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa sannad kasta si gaar ah loogu maamuusaa mid ka mid ah waddamada caalamka oo dhaqankiisa iyo hiddihiisa wax laga barto, waxaana loo asteeyaa mowduuc gaar ah oo sannad kasta  hal-ku-dheg looga dhigo bandhigga.

Waddanka Morocco, ayaa sannadkii 2023-kii ahaa martida gaarka ah ee lagu maamuusay bandhiggii ugu dambeeyey carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, kaasi oo hal-ku-dheggii sannadkaasi la qaatay ahaa “Adkeysiga”.

 

Waxa xusid mudan in bandhiggan inta uu socdo ay Khuburrada Caalamiga ahi dadweynaha la wadaagi doonaan Aqoon iyo Waayo-aragnimo la xidhiidha waxyaabaha ajandaha ku jira ee sannadkan la qorsheeyay in xarunta dhaqanku soo tebiso, islamarkaana kulmisa dadyow kala duwan.

 

Madaxda Somaliland, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada, ayaa si weyn u bogaadisay dedaalka Xarunta dhaqanka Hargeysa iyo Hawl-wadeennadeeda uu Hoggaamiyo Guddoomiyaha xaruntaasi Jaamac Muuse Jaamac, waxayna u soo jeediyeen inay dedaalka halkaa ka sii wadaan.

Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo sannad walba soo qaban-qaabiya Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa, ayaa sheegay in Muddadii la qabanayey Carwada Buugaagta ay ka faa’ideen dhalinyarada Somaliland, fikir ahaana u Koreen, sidaa darteedna ay iyaguna dedaalkooda halkaa ka sii wadayaan.

 

Muddadaa 17-ka sano ah, ayaa waxaa ay Xarunta Dhaqanku ku marti-qaaday tobanaan Wufuud ah oo ka kala socda Dalalka Afrika iyo meelo kale.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Ururka Redsea Culutural Foundation, ayaa markii ugu horreysay laga qabtay magaalada Hargeysa sannadkii 2008-dii, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay munaasibad-dhaqameedka ugu ballaadhan ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika.

HargeisaPress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here