Amaro Culus oo Lagu Soo Rogay Xujayda Ku Xadgudba Awaamiirta Xajka

0
858

Riyadh (Hargeisa Press)- Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya, ayaa bilaabay inuu amaro iyo ganaaxyo ku soo rogo Xujayda ku xadgudba awaamiirta Xajka, iyagoo gudanaya Xajka bilaa ogolaansho.

Goobaha ay khuseyso sharci la’aan, siyaasad la’aanta Xajka waxaa ka mid ah magaalada Makkah, bartamaha, goobaha barakeysan, saldhigga tareenada ee Haramain, baraha kontaroolada, xarumaha baadhitaanka iyo kontaroolada ku meel gaadhka ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka Sacuudiga.

Xeerkan, ayaa waxa uu socon doonaa ilaa June 20, 2024.

Shakhsi kasta – ha ahaado muwaadin, degane, ama booqde – oo lagu helo ku xad-gudbida xeerarka Xajka waxa lagu ganaaxi doonaa Lacag dhan 10,000 oo Riyalka Sucuudiga ah oo u dhiganta $2,666 oo Dollarka Mareykanka ah.

Dadka aan u dhalan dalka Sacuudiga, ayaa waxaa loo mustaafurin doonaa dalkooda waxaana laga mamnuuci doonaa in ay dib ugu soo laabtaan Boqortooyada Sacuudiga wakhti cayiman.

Sidoo kale, Hay’adda Amniga ee Sacuudiga, ayaa waxay sheegtay in dembiileyaasha soo noqnoqda ay laba jibaari doonto ganaaxooda, maadaama ay hay’addu ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in la dhawro awaamiirta Xajka, si loo hubiyo in xujaajtu ay si ammaan ah oo nabad ah u gutaan cibaadada.

Sidoo kale, qof kasta oo lagu qabto isagoo raraya dadka ku xad-gudbay Xajka isagoon sharci haysan wuxuu muteysan doonaa xadhig dhan lix bilood iyo ganaax lacageed oo dhan 50,000 oo Riyaal (13,328), waxaana lagala wareegayaa gawaadhida ay wataan.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in ku xad-gudbayaasha aan muwaaddiniinta ahayn la mustaafurin doono ka dib marka ay dhammaystaan xukunka, iyadoona laga mamnuucayo inay dib ugu soo laabtaan Boqortooyada Sacuudiga wakhti cayiman.

Ganaaxyada waxaa loo badinayaa iyadoo loo eegayo tirada xad-gudubyada la qaaday, sida lagu sheegay warbixinta .

Hay’adda amniga Sacuudiga, ayaa Xujayda iyo muwaadiniinta u dhashay dalka Sacuudiga fartay inay soo sheegaan dadka ku xad gudba acmaasha Xajka, isla-markaana ay la soo xidhiidhaan nemberada (911) gudaha Makkah, Riyadh iyo gobollada Bari, ama (999) gobollada kale.

Shabakadda HargeisaPress, ayaa warkan ka soo xigatay Wakaaladda Wararka Sacuudiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here