Banaanbax Lagu Taageerayo Dooddii Baarlamaanka UK Oo Ka Dhacay Boorama

0
291

Boorama (HP): Banaanbaxyo waaweyn oo lagu taageerayay doodii la xidhiidhay qadiyadda aqoonsiga somaliland ee dhawaan la hor geeyay baarlamaanka Ingiriiska ayaa maanta ka dhacay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Banaanbaxaasi ayaa qayb ka ahaa isku soo baxyo balaadh naa oo Sabtidii todobaadkan lagu qabtay magaalooyin kale ee dalka oo iyaguna qayb ka ahaa taageerrada ay shacabka Somaliland u muujinayeen doodii uu baarlamaanka dalka UK hor geeyay xildhibaan Gavin Williamson.
Isku soo bixii maanta ka dhacay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaa boqolaal dadweynaha magaaladaasi ah kala qayb galay wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershadaha Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin).
Maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, maamulka gobolka Awdal, xubnaha golaha Deegaanka ee degmada Boorama iyo saraakiisha amniga, iyo boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray ardayda dugsiyadda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool magaaladaasi Boorama.

Sidoo kale waxaa ka qayb galay bannaanbaxaasi lagu teegarayay qaddiyadda Somaliland shaqaalaha dawladda, guddiyada kala duwan ee xaafadaha degmada Boorama, ururada bulshada iyo haween weynaha gobolka Awdal.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo Wershadaha Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isu soo baxaasi hadal ka jeediyay ayaa u sheegay bulshadii isku soo baxday in qaddiyadda Somaliland ay tahay muqaddasi iyo mid aan laga noqonayn.
Isagoo na ku booriyay bulshada Somaliland guud ahaan inay u halgamaan sidii ay tixgelin uga heli lahaayeen bulshada caalamka, isla markaana loo aqoonsan lahaa qarankooda Somaliland, oo uu sheegay inuu mudan yahay in ictiraaf buuxa uu ka helo dunida, maadama uu buuxiyay kaalmihii looga baahnaa dal oo dhan.
Maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay doodii uu todobaadkan baarlamaanka dalka UK ka yeeshay qadiyadda aqoonsiga Somaliland.
Maxamed Axmed Warsame, waxa uu tilmaamay in jamhuuriyadda Somaliland oo jirtay muddo 31 sanadood ah ay qabatay doorashooyin kala duwan oo qof iyo cod ah, isla markaana ay fulisay waxyaabo badan oo dimoqraadiyad ah.
Waxaa iyagna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee degmada Boorama, kuwaasoo sheegay in qaddiyadda Somaliland ay tahay qaddiyad bulsho, oo aan marna gorgortan laga geli Karin.
Iyagoo na ugu baaqay bulshada inay gacmaha isku qabsadaan sidii loo sii wadi lahaa baadigoobka aqoonsiga Somaliland ee soddon jirsaday.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta axsaabta mucaaradka ah ee Somaliland oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dedaallada lagu raadinayo ictiraafka ee ay waddo xukuumadda Somaliland, iyagoo bogaadiyay jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska oo ay sheegeen in hawl fiican ay u qabteen dadkooda iyo dalkooda.
Geesta kale Salaadiinta iyo cuqaasha gobolka Awdal oo iyaguna fagaaraha kala hadlay dadkii isku soo baxay, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha somaliland inuu maalin qaran u sameeyo Ictiraaf raadinta dalka, isla markaana sannadkasta la xuso, loo ban baxo sidii beesha caalamka loo tusi lahaa in Somaliland ay u qalanto inay Ictiraaf buuxa ay ka hesho bulshada caalamka.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here