Gabiley (HP): Guddoomiyaha gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta kulankii todobaad laha ahaa la yeeshay isku-duweyaasha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee gobolkaasi.
Waxaana shirkii maanta badhasaabka iyo isku-duweyaasha kala qayb galay gudoomiyaha haayadda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa ee Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali, oo isaga iyo saraakiil kaloo haayadaasi ka tirsani ay socdaal ku joogaan Gabiley.
U jeedadda kulanka uu badhasaabku la yeeshay isku-duweyaasha laamaha dawladda Gabiley ayaa ahayd sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlo shaqo ee ay bulshadda uga masuulka yihiin sanadkan cusub ee la filayo inuu dhawaan curto.
Badhasaabka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal u jeediyay isku-duweyaasha uu shirka la yeeshay ayaa kula dar-daarmay in ay masuuliyad weyn iyo si xil-kasnimo leh u gutaan shaqooyinkoodda.
DAAWO: Hadalkii Badhasaabka Gabiley:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.