Badhasaabka Daad-madheedh oo Xadhiga Ka Jaray Xarun Caafimaad

0
374

Oodweyne (Hargeisa Press)- Guddomiyaha gobolka Daad-madheedh Maxamed Diiriye Xayd, ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degaanka Cali Faarax oo ka tirsan gobolkaas.

Munaasibadii xadhiga lagaga jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degaanka Cali Faarax, isla markaana ah xarun ay dhismeheeda iska kaashadeen bulshada degaankaasi gude iyo dibad-ba.

Taas oo furitaankeeda ka soo qayb galeen guddoomiyaha gobolka Daadh-madheedh Maxamed Diiriye Xayd, xildhibaano, isu’duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Daadhmadheedh iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degaankaasi.

Guddoomiyaha gobolka Daadh-madheedh Maxamed Diiriye Xayd, oo xadhig ka jarista xarunta caafimaad ayaa bulshada ku nool degaanka Cali Faarax iyo kuwa qurba-joogta ah ku boggaadiyay sida ay iskaga kaashedeen dhismaha xarunta caafimaad.

Isaga oo intaas ku daray in bulshada kale ay dheer yihiin dadka ku nool degaanka Cali Faarax isku tiirsanaanta iyo sida markasta ay uga go’an tahay in ay isku tashi bulsho wax ku qabsadaan.

Isu’duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Daad-madheedh Cabdirashiid Maxamed Gahayr, ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay markasta ku hawlan yihiin si xaruntii caafimaad ee la dhisaba ay u gayn lahaayeen shaqaale caafimaad oo xirfad iyo aqoon u leh hawsha ay bulshada iyo Qarankaba u qabanayaan, isla markaana ay dhammeystirayaan inta hadhsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here