Boorama: Wasiirka Biyaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Cusub

0
422

Boorama (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa xadhiga ka jaray ceel biyood cusub oo laga hirgeliyay duleedka Jaamacada Camuud.

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig ka jarka ceelkaasi waxa hadal ka jeediyay isu’duwaha wasaaradda horumarinta biyaha ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Dhimbiil oo sheegay in ceelkani yahay kii labaad ee laga hirgeliyo duleedka Jaamacada Camuud, kaas oo qayb ka noqon doona balaadhinta biyaha magaalada Boorama.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in ceelkani yahay kii afraad ee muddo lix bilood ah wasaaradda biyuhu ay ka hirgeliso goobo kala duwan oo ku yaala gobolka Awdal.

 

Waxaanu intaas ku daray in wasaaradda biyuhu ku hawlan tahay sidii loo kordhinlahaa ceelasha biyaha ee guud ahaan dalka.

Wasiir Cali Mareexaan, ayaa bulshada ku nool magaalada Borama u soo jeediyay inay ilaashadaan ceelkaasi, wasaaradduna ay ku dadaali doonto sidii loo horumarinlahaa biyaha magaalada Boorama.

Maareeyaha shirkada maamuusha biyaha  magaalada Borama ee Shaaba Cabdiraxmaan Sheekh Cabdisalaan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ceelkan iyo kii horeba ay qayb ka qaadan doonaan horumarinta biyaha magaalada Boorama.

Waxaanu u mahadceliyay maamulka gobolka Awdal iyo wasaaradda horumarinta biyaha oo ceelkan hirgeliyay.

Geesta kale, maayarka magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa soo dhaweeyay ceelkan cusub ee laga hirgeliyay magaalada Boorama.

Waxaanay xuseen in ceelkani uu qayb ka qaadan doono dadaalada wasaaradda horumarinta biyuhu ugu jirto sidii bulshada Borama biyaha looga xaqabtirilahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here