Badhasaabka Buuhoodle Oo Soo Kormeeray Degaamo Ka Tirsan Gobolkaasi

0
406

Buuhoodle (HP): Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdille, ayaa muddooyinkan ba kormeer la xidhiidha qiimaynta xaaladaha kala duwan waxa uu ku marayay degaamadda gobolkaasi hoos yimaadda.
Waxaanay weftiga badhasaabka Buuhoodle labadii todobaad ee u danbeeyay kormeerkaasi ku soo mareen degmooyinka, magaalooyinka, tuulooyinka iyo xataa dhulka miyiga ah ee hoos yimaadda gobolka Buuhoodle.
U jeedadda kormeerka weftigan uu hogaaminayo badhasaabka Buuhoodle ayaa la xidhiidha sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladaha nololeed ee bulshadda degaamadaasi, mida abaareed, biyo la’aanta, iyo duruufaha kale ee dhulkaasi ka jira.

Weftigan uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdille, ayaa maanta kormeerkoodaasi waxay ku soo mareen degaamadda Qabri-huluul, Caro-balan-bal, Muraayadda iyo degaamo kale.
Badhasaabka Buuhoodle Nasteex Maxamed Cabdille, waxaa weftigiisa ka mid ah maayar ku-xigeenka Buuhoodle Mustafe Cabdi Ayaanle, isu-duweyaasha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee gobolka Buuhoodle, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Buuhoodle.

DAAWO: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here