Badhasaab Ku Xigeenka Buuhoodle Oo La Sheegay Inuu Lunsaday Raashin Deeq Ah.

0
971

HargeisaPress —Waxaynu ognahay in dalka ay ka dhacday abaar sababtay in la bilaabo olole iyo gurmad qaran isla markaana deeqo isugu jira raashin iyo biyo taasi oo ay maamulayeen guddiyo iyo culimo lagu qaybinayay gobolada iyo degmooyinka.

 

Qaybinta deeqahan gurmadka ah waxay dadka masuulka ka ahi la kaashanayeen maamulada iyo gudiyadda degmooyinka.

 

Hadaba inkastoo deeqahani intooda badani u gaadheen bulshadii loogu talogalay hadana waxaa meelaha qaar laga soo sheegayaa in la musuqmaasuqay raashinada iyo deeqaha kale qaarkood.

 

Meelaha farta lagu godayo ee lagasoo wariyay in la musuqay waxaa ka mida gobolka buuhoodle iyadoo la sheegayo in badhasaab ku xigeenka gobolkaasi oo lagu magacaabo jaamac tabliiqi uu iibiyay raashin gobolkaasi loogu talogalay waxaana sida ilo xogtaasi u dhuun daloolaa xaqiijiyeen uu ninkani faasaxay raashin loogu talogalay laba boqol oo qoys isagoo ka iibiyay bakhaar ku yaala magaalada burco isla markaana lacag khaash ah ka tirsaday,waxaana la sheegayaa in markii lala xidhiidhay ee la su,aalay sababta uu sidan u yeelay uu ku jawaabay inaanu raashinkani ahayn deeq balse uu yahay ganacsi uu isagu leeyahay.

 

Ilahan xogta ka helay amuuratani waxay xaqiijiyiin on masuulkani waqtiyo kale maasuqay caawimooyin loogu talogalay dadka tabaalaysan ee gobolkaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa la gudboon hay,adaha ay khusayso in baadhitaan madax banaan lagu sameeyo isla markaana la hubiyo sida loo gaadhsiiyay dadkaasi deeqihii loogu talogalay sidoo kalena cidii ay ku cadaato inay lunsadeen hantida masaakiinta la mariyo sharciga lagana qaado talaabada ku haboon.

 

ugu danbayn xukuumada waxaa la gudboon inay yeelato laamo madax banaan oo la xisaabtama isla markaana la socda hantida loogu talogalay gurmadka dadka ay abaaruhu ku habsadeen sidoo kale waxaa la gudboon cid kasta oo qayb ka ah hawlahaasu inay si alla ka cabsi leh u gutaan waajibaadka saaran.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here