Baanka Ganacsiga Itoobiya Oo Xarun Ka Furanayo Somaliland

0
591

Hargaysa (HP): Baanka ganacsiga ee Ethiopia (Commercial bank of Ethiopia-CBE), ayaa sheegay inuu sannadkan laan cusub ka furan doono dalka Somaliland.

Mr. Bacha Gina, oo ah guddoomiyaha iyo agaasimaha baanka CBE oo magaalada Addis Ababa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu Baanku sannadkan xafiisyo ka furanyo dalalka Somaliland iyo Sucuudiga.

“Waxaanu qorshaynaynaa inaanu sannadkan laamo cusub ka furano Somaliland iyo Sucuudiga.” Ayuu yidhi Mr. Bacha.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kale oo aanu qorshaynaynaa inaanu laba ama saddexda sanadood ee soo socda laamo ka furano dibedda.”

Geesta kale madaxa Baanka ganacsiga ee Itoobiya ayaa waxa kaloo uu ka waramay horumarka uu Baankaasi ku tallaabsaday muddooyinkii u dambeeyay.

Dhinaca kale tan iyo intii dalka Itoobiya ka dhacay isbedelka siyaasadeed waxaa soo badanayay fur-furnaanta dhinacyadda ganacsiga, siyaasadda iyo xidhiidhka wadamadda deriska ay la yeelanayso.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here