Wasiir Maxamed Kaahin iyo Hoggaamiye Xirsi Oo Fagaare Isku Weeraray

0
1477

Hargaysa (HP): Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaj Xasan, ayaa  Fagaare isku waydaarsaday Hadallo weerar iyo Difaac ah.

Hoggaamiyaha WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Maanta ka qayb-galay Xaflad uu xilka kula wareegay Taliyaha Cusub ee Booliska Somaliland Mr. Dabo-gale ayaa wuxuu ka sheegay in Masuuliyiinta Somaliland xilalka ka hayaa u badanayaan Millateri.

Maaddaama buu yidhi Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha guduhu hore u ahaayeen Millateri, Taliyaha cusub ee Booliska iyo Taliyaha Asluubtuna yihiin Millateri, sidaasi darteed loo baahan yahay in Masuuliyiintu ay Shacabka Gacanta u dabciyaan oo aanay ku gacan kululaan.

Xirsi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi,  “Waxaad mooddaa inaynu wada Millateri noqonay, Madaxweynihii waa Millateri, Wasiirkii Arrimaha guduhu waa Millateri, Booliskii Millateri ayuu noqday (Taliyaha Booliska), Ciidanka Millaterigu markii horeba Millateri ayuu ahaa”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Halkaa waxa jooga Saaxiibkay Libaax oo Millateriga laga soo kaxeeyay oo Asluubta la geeyay, wixiiba waa wada Millateriye, haddiiba Madaxweynihii, Wasiirkii Daakhiliga, Ciidankii wada Millateri noqdeen bal dalaa-dalaa Gacanta Millateriga Cadowgaa loogu Talo-galaye Gacanta hoos u dhiga.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo Ina Cabdi-dheere (Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye) waxaan leeyahay bal idinkaa Shicib meeshii joogee, bal kala ogaada Shacabka iyo (Dawladda)”ayuu yidhi Xirsi.

Geesta kale wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka jawaabayey hadalka Hoggaamiyaha WADDANI.

Waxaanu yidhi “Xirsi imika markuu Millateriga ka hadlayey, inta kale malaha wuu nagu toosinayee Aniga iyo Muuse Biixi ayuu u jeeday, waxaanse is leeyahay waxa ka maqan (Xirsi) Taariikhda Adduunka ee Dawladnimo iyo waxa la yidhaahdo (Political Sceince-ka).

Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Hoggaaminta Adduunka ka soo baxday Dadka qaabeeyay waa Dadkii Millateriga ahaa.

Faransiiska yaa qaabeeyay (dhisay) Charles Digooli baa qaabeeyay, Ingiriiska yaa qaabeeyay oo sameeyay Jaarjal baa sameeyay, Maraykanka yaa sameeyay, waxa sameeyay Abrahan iyo George Washington iyo Raggii noocaas ahaa, meesha bahashu ka soo unkantay waa la yaqaanaa waa Akadamiyadaha Millateriga”.

Dhinaca kale wasiir Kaahin, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in isaga iyo ragg kale ay ka mid ahaayeen kuwii dagaalka kala hor yimid dawladda milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare.

“Berigii Dawladdii Kaliska ahayd ayaynu xantanay, taana kuwii ka dagaalamay ayaanu ahayn ee Dadka u dagaalamay ayaanu Annagu ahayn, dhaawacyadeedu waxay yihiina way jirtaa, imikana ma Gacan kululaanayno.

Cidda la hadal  hayaana waa Annaga, laakiin weli may dhicin Inan yar oo Facebook-ga wax nagaga sheegay iyo Inan yar oo Facebook wax nagaga sheegtay inaanu Maxkamadaha taagno” ayuu yidhi, Wasiir Maxamed Kaahin.

Halkan Hoose Ka Daawo Hadaladii Labadda Masuul:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here