Axmed Madoobe oo Hortagaya Aqalka Sare Ee Soomaaliya

0
1159

Muqdisho (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka qeyb-galaya kulanka guddiyada joogtada ah ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golahaasi.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa khudbad xasaasi ah ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare taas oo uu uga hadlayo arrimaha Jubbaland, xaalada Soomaaliya iyo safarkiisa Muqdisho.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku war-geliyay Senatorada Aqalka Sare in kulanka maanta uu mihiim yahay, islamarkaana uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Jubbaland.

Sidoo kale, xildhibaanada Aqalka Sare ayaa su’aallo dheeraad ah weydiin doonoi Axmed Madoobe oo maalmahaan dambe kulamo siyaasadeed ka waday Muqdisho.

Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbaddiisa ku soo qaado arrimaha gobolka Gedo iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira, taas oo ka mid aheyd shuruudihii uu hordhigay Villa Soomaaliya, ka hor inta aanu bilaaban shirka wadatashiga Muqdisho.

Si kastabta ha’ahaatee waxaa Axmed Madoobe ka horreeyey oo Aqalka Sare tegay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni oo isna warbixin laga dhageystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here