Awdal: Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Hirgelisay Xarun Dhir Kobcineed Oo Cusub

0
299

Boorama (HP): Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda JSL ayaa buurta Libaaxyalay ee gobolka Awdal ka dhagax dhigtay xarun dhir kobcineed.

Xaruntan dhir kobcinta ee la dhagax dhigay oo ah mid cusub ayaa loogu tallo galay in lagu xanaaneeyo dhirta noocyadeedda kala duwan.

Waxaana xaruntan dhir kobcinta dhagax dhigay Isu-duwaha wasaaradda Deegaanka Somaliland ee gobolka Awdal Eng. C/wahaab Xuseen Muumin.

Xaruntaasi ayaa lagu kobcin doonaa dhirta sii dabar-go’aysa noocyadeedda kala duwan ee ku taalla buurta Libaaxyalay, iyo dhulka buuralayda ah.

Sida uu sheegay isu-duwaha wasaaradda Deegaanka ee gobolka Awdal, oo ka warbixinayay xaruntaasi iyo waxyaabaha ay qaban doonto.

Geesta kale odayaasha, waxgaradka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool deegaanka buurta Libaaxyalay ayaa soo dhaweeyay hirgelinta xaruntan dhir kobcineed ee la dhagax dhigay.

DAAWO: Wasaaradda Deegaanka JSL oo Awdal ka dhagax dhigtay xarun dhir kobcin:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here