Hargeysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka shacabka ku dhaqan caasimadda, gaar ahaan masjid-jaamaca weyn ee Hargeysa kula tukaday salaadda ciidal-Adxaha.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayaan guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo masuuliyiin kale, ayaa dadweynaha kula tukaday masjid-jaamaca Hargeysa salaadda ciidal-Adxaha.
Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Jamhuuriyadda Somaliland oo markii uu dadweynaha tujiyey khudbad kooban u jeediyey, ayaa Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo Acmaasha wanaagsan, waxana uu kula dardaarmay inay midnimo iyo isku-duubni mar walba muujiyaan.
Madaxweyne Biixi, oo shacabka halkaas kala hadlay, ayaa ugu horrayn bulshada reer Somaliland ugu hambalyeeyey maalinta ciidda barakaysan ee Ciidal-Adxaha, waxana uu ku adkeeyey inay ku dedaalaan caawinta iyo gacan-siinta inta baahan.
Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka faray inay ku dedaalaan bixinta Sekeda oo ah shayga kaliya ee bulshada lagaga saari karo faqriga iyo baahida taagan.
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybaha kala duwan ee shacabka Hargeysa oo munaasibadda Ciidal-Adxaha awgeed salaan ugu yimi.
DAAWO: Khudbadii Madaxweynaha JSL ee Saaladda Ciidul Adxa:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.