Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa sixitaan ku sameeyay digniin uu taliska booliska Laascaanood ka soo saaray dadka xiliyadda danbe ee habeenkii socda.
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sheegay in digniinta boolisku aanay saamayn doonin dadka u socda tukashadda salaadda Taraawiixda oo caawa bilaabanaysa.
Balse cidda loo dan leeyahay ay yihiin dadka falalka xun xun ka dhex wadda magaaladda sida kuwa isticmaalaya Maandooriyeyaasha.
Qoraal kooban oo uu badhasaabku ku baahiyay bartiisa Facebook, oo uu arrintaasi kaga hadlayay waxa uu ku yidhi, “Awaamiirta ka soo baxday taliska qaybta booliiska ee gobolka Sool ma saamayn doonaan dadka xilliga saqda dhexe ee Ramadaan madaama la galayo 10-kii danbe cibaadaysan doona.
Kuwa loo dan leeyahay, lana qaban doona kuwa Macaasida ku kaca lana soo ban-baxa. Sida kuwa Maandooriyaha Khamriga lagu helo ganacsigiisa iyo isticmaalkiisa”.
“Waxaan dhammaan bulshada ku boorinayaa inay ka faa’iidaystaan maalmaahan aadka u qiimaha iyo khayrka badan, lagana fogaado wax kasta oo lid ku ah ama burinaya ajarkeeda” ayuu yidhi badhasaabka Sool.
Geesta kale, warkan uu dib u sixida ka bixinayay badhasaabka Sool ee ka soo baxay taliska booliska gobolkaasi ayaa la xidhiidhay digniin loo diray dadka habeenkii xiliyadda danbe socda.
Taasoo uu bulshadda u diray taliyaha qaybta booliska gobolka Sool gaashaanle sare Axmed C/laahi Cabdi, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood.
Waxaanu yidhi taliyuhu, “Habeenkii dadka socda, waa Ramadaan. Qofka wanaagsani wuu seexanayaa, oo booliska isma arkayaan.
Waxaan uga digaynaa dadka habeenkii wixii labadda ka danbeeya socda, ciidanka booliska waxaa lagu amrayaa in la soo xereeyo, oo la xidho”.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.