Askari Ka Tirsan Ciidamada Somaliland oo Toogasho Ku Dilay Gabadh Dhalinyaro Ah

0
2772

Hargeysa (Hargeisa Press) – Alle ha u naxariistee waxaa caawa Magaalada hargeysa ku geeriyootay gabadh Magaceedu ahaa Najma Cabdillaahi Maykal, taasi oo ka mid ahayd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Somaliland.

Marxuumad Najma, ayaa waxaa ay u geeriyootay Xabad uu gaadhi ay wadatay ku riday Askari ka mid ahaa ciidammada Amniga Somaliland, taasi oo ku dhacday.

Dilka, ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, sida ay Shabakada Hargeisapress u xajiijiyeen Dad goob-joogeyaal ahi.

Illaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay in Askarigu xabad ku rido gabadha, laakiin waxa la sheegay in Askariga Gacan ku dhiiglaha ah ay qabteen ciidammada Dab-damiska Magaalada Hargeysa oo goobta ka dhawaa.

Waxaanay  islamarkiiba Askariga Gabdha dilay ay ku wareejiyey ciidammada Booliska, kuwaasi oo iyaguna bilaabay baadhitaan ku saabsan dilkan naxdinta leh.

Hase-ahaatee, inkasta oo laamaha ammaanku wadaan baadhitaanka waxaa sababay dilka, haddana weli wax war ah kama ayna soo saarin dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here