Djibouti (Hargeisa Press) – Dowladda Jabuuti, ayaa sheegtay in toddoba ka mid ah askarteeda la dilay, halka afar kalena ay dhaawac noqdeen, kadib markii ay weerar ay koox fallaago ahi gelinkii hore ee Jimcihii ku qaadday xero ciidan, .
Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa ay sidoo kale shaacisay in weli la la’yahay lix askari oo ka mid ah ciidanka, iyadoona sheegtay inay billowday in ay baadi-goobto lixda askari.
“Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay toddoba ka mid ah askarteenna, afarna waa ku dhaawacmeen, halka lixna la la’yahay,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qoraal uu soo saaray ku canbaareeyay weerarka ay fallaagadu ku qaadday saldhigga ciidan, waxaana uu sheegay in dowladdu ay sharciga horkeeni doonto kooxda weerarka qaaday.
“Kooxdan budhcadda ah ayaa caan ku ah falalka foosha xun ee argagaxisanimo iyo dhaca ay ka geysato deegaannada fog fog ee dalka,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda oo intaa ku daray in ay dadaallo badan ku bixinayaan in la helo kooxda dilka gaysatay iyo askarta maqanba.
Kooxda FRUD oo u badan qowmiyadda Canfarta ee Jabuuti, ayaa sanadkii 1991-kii dagaal la gashay dowladda Jabuuti. Hase ahaatee mar danbe ayay kala jabtay iyadoo xisbiga FRUD uu qeyb ka yahay isbahaysiga UMP ee haya talada dalka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, halka garabka hubeysan ee FRUD uu wali ku jiro dagaallo hubeysan.
Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida ee ay badda cas ku kulmaan gacanka Cadan, ayaa martigelisa saldhigga kaliya ee Mareykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Faransiiska uu ku leeyahay caalamka.