Ardaygii Lagu Dhex Dilay Jaamacadda Camuud oo Maanta La Aasay

0
1790

Boorama (Hargeisa Press) – Waxaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal Aas loogu sameeyay alle ha u naxariistee Ibraahim Cabdishakuur oo dhowaan lagu toogtay magaaladaasi.

Aaska marxuum Ibraahim Cabdishakuur loo sameeyay, ayaa waxaa ka qayb galay maamulka gobolka Awdal, Madax-dhaqameed, Culimaa udiin, siyaasiyiin, Ardayda waxkabarata Jaamacadda Camuud iyo dadweyne kale.

Alle ha u naxariistee marxuum Ibraahim Cabdishakuur oo waxka baranaysay Jaamacadda Camuud, ayaa waxaa toogtay Askari ka tirsanaa ilaalada Jaamacadda Camuud.

Marxuumka, ayaa la sheegay in dilkiisa ay sababtay kadib markii uu teleefoon uu ku soo ilaaway gudaha jaamacadda, oo uu dib ugu laabtay jaamacadda si uu teleefoonka u soo qaato balse muran ka dibna uu sidaas ku toogtay askarigu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here