Hargeysa, (HargeisaPress) —Barnaamijkan su,aasha adag la isaga weydiiyay sidii loo dabaqabateyn lahaa Xoolo-dhaqatada abaarta ba,ani saamaysay ee wakhtigan maraya in la badbaadiyo noloshii dadka kadib markii ay ka dhamaadeen intii ugu badneyd ee Xooluhu oo loogu magac darey Hadii Nolosha Baadiyuhu dabar go,do Magaalooyinku ma jirayaan ayaa hawlgalkiisa laga bilaabay Gudaha Dalka Somaliland.
Qaar Kamid ah aqoonyahanka hore u ahaa qurba jooga Somaliland ee wakhtiyadan dambe dalka Gudihiisa ugu soo noqdey Degsiimada oo u kuurgaley halka xaaladu mareyso ayaa,salka soo taabtey in maalinba maalinta ka dambeysa neefba neefka uu ka adkeysi badan yahey oo iska sii xajmiyayo riiqda abaarta iyadoo awoodii Xoolo dhaqatadu neefka kusii sabaaleyn lahaayeen meesha ka baxdey kadib markii ay iyaga laf ahaantooda si dhab ah u taabatey quutal daruurigooda saamaynta abaartu,
Aqoonyahankan oo Magalaada Hargeysa kaga dhawaaqayaan ururkan aynu kor kusoo xusney islamarkaana, kulankoodii u horeeyay ku qabsadey Hargeysa ayaa daaha ka rogey in ujeedada ugu weyni tahey mid ay ku damacsan yihiin in si xaqiiq ah oo taabasho ah la isugu dayo in loo badbaadiyo baaqiga dad iyo duunyo abaartu ragaadisay,taas oo ay ka madhan tahey isku sawirka Siyaasada Guud ahaanba.
Kulan lagu daraaseynayay abaabulkan barnaamijkan badbaadada xooladhaqatada oo ay goob jog ka ahaayeen isla dadka abaartu saamaysay ee Xoolo dhaqatada ah oo laga soo qaadey Deegaanadooda si caawimada Wajiga hore loo taabsiiyo ayaa iyaguna ka xogwaremey xaalada adag.
“Waxaan lahaa tira adhi ah oo ku qiyaasan boqol neef waxaa hada iiga hadhey labaatan neef oo kaliya xaalada abaartu waxey mareysaa boqolkiiba sagaal iyo sagaashan mid dhulka lala sii galey midhkaa hadhey waa qiriricda xoola-dhaqatada sii sudhan ee naf la caariga ah”Sidaa waxa yidhi Mid kamid ah Xoolo dhaqatadii kulankan laga soo qeyb galiyay.
Aqoonyahan Cismaan Xaaji Siciid oo kamid ah Aasaasayaasha Barnaam,ijkan badbaadada Xoolo-dhaqatada iyo Xoolaha oo aragtidiisa ka Hadley ayaa sheegay,in dadka xoolo-dhaqatada iyo Reer miyigu yihiin kuwii lagu badbaadey shaley markii dagaalada iyo Mushkiladuhu dhaceen ee Laga qaxey Magaalooyinka Waaweynka ee Somaliland sida Hargeysa,Burco,Berbera,Gabiley iyo Ceerigaabo,waxaanu xusey in naf iyo maalba ay dadka miyigu guntiga dhiisha iska dhigeen mushkiladii iyo dhibtii dagaaladaasi taas oo la hurtey neefka oo noqdey hantida dhabta ah ee badbaadada u aheyd kumanaankii kun ee kasoo qaxey Magaalooyinka sidaa daraadeedna maanta loo baahan yahey in badbaado culus oo ilaahay lagu wakiilanayo loogu gurmado dadka xoolodhaqatada iyo Reer Miyiga labadaba.
Waxaana la isula soo qaadey kulankan qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin in aan Barnaamijkan lagu koobin aqoonyahanka sida tooska ah u abaaraya gurmadka xoolo-dhaqatada haseyeeshee,lagu baraarujiyo in ay ka qeyb qaataan Salaadiinta hormoodka u ah Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Somaliland sida Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani,Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali,Suldaan Cumar Suldaan Maxamed,Suldaan ibraahim Jaamac Samater iyo guud ahaanba qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland,taas oo aan marna laga maarmeyn in Xukuumada laf ahaanteedu qeyb ka noqoto barnaamijkan oo aaney ku koobnaan Gudida Abaaraha oo marxalada taagani ka culeys badan tahey si ay uga qeyb galaan badbaadadan Shaqaalaha Dawladu,Ciidamada kala duwan iyo Madaxda Wasaaraduhu intaba.
Si loo helo halka jawaabta Shacbigu ku dhaceyso si ay u taageeraan ururkan aqoonyhanka ah ee Gurmadka Xoolo dhaqatada u xadhko u xidhay wixii talo iyo ka qeyb gal ah waxa ay kala soo xidhiidhiyaan cinwaanka bar kulanka u ah Barnaamijkan khusuusan aqoonyahanka iyo cid kasta oo ay arintani taabaneyso
Emailkan oo ah Email: pont2@hotmail.com