ANAGA,IDINKA IYO IYAGA!! Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
1280
Axmed Cisman Batuun

Aduunyada ilaahay markii uu abuuray wuxuu u qaybiyay sida ay u taalo oo ah qaab dhismeed xikmadaysan kuna salaysan nidaam ka baxsan awoodaha aadmiga,waxaan eebe kor ahaaye uu aadamaha ku abuuray inba bogcad taaso uu mulkiyad uga dhigay.

 

Inagoo tixgalinayna samirka xaga akhriska ee bulshada maanta hadii aynu toos u abaarno u jeedada qormadan aynu is dul taagno waa ayo soomaali?,maxay isu tahay goorma ayay se isu timid?.

 

sida la aaminsanyahay taariikhduna wariso soomaalidu waa dad wadaaga,luuqad,diin,iyo  waxyaalo badan isla markaana deggen mandaqadda bariga africa,sida somaliya,somaliland, somalida kenya,somalida ethiopia,soomaalida jabuuti iyo in yar oo daadsan wadamo kale,waxaan la isku raacsanyahay  xaga wax isu ahaanta in soomaalidu walaalo tahay taasoo ku salaysan ugu horayn xaga diinta,afka iyo dhaqanka oo waliba lagu kala tago meelaha qaar.

 

Goorta la lasoo qaado isu imaatinka soomaalida waxaa durba meesha yimaad hadalo is khilaafsan oo aad mooddo in aan xataa dadka shacabka ahi u fiirsan biyo dhacooda taariikh ahaana siyaasiyiintu murgiyeen.

 

Sida la isku raacsanyahay ama gumaystayaashii soo maray gayigan ee kaydiya taariikhuhu qirayaan,  lagana dheehdo juquraafi ahaan xuduud dhuleedka soomaalida u kala qaybiya carrada ilaahay ku beeray,waxaa xaqiiq ah in soomaalidu ay ahayd shucuub aan wax badani isugu jirin isla markaana aan wadaagin waligood dawladnimo iyo xataa wax u eeg,balse ay ahaayeen dad iskood isugu ag nool oo mid waliba calan iyo astaan gaara leeyahay marka si gaara looga hadlo waliba Somaliland iyo Somalia.

 

Geesta kale waxaa marag ma doona in xataa wadamada kala gumaystay labada dal ay ahaayeen laba dal oo mid waliba dhaqan gaara iyo siyaad gooniya ku maamulayay qaybta uu haysto taasoo ilaa waqtigan raadkeedii muuqdo.

 

Hadii aynu eegno xilliga soomaalinimo ama soomaali wax wada yeelatay ee soomaliwayn loo gudbay iyo cidda keentay waxaa la hubaal oo aan shaki ku jirin in cidda bilawday ee calankeeda qaaday isla markaana gaysay muqdisho iyadoo aanay xataa hubsan in qaybaha kale ee soomaali maqani ay la qaadanayaan amuurtani ay ahayd somaliland,waxaana sida la sheego qorshuhu ahaa in soomaalida shanta ah ee filiqsan oo lagu macneeyo,jabuuti,somalida kenya,somalida ethiopia,somaliland iyo somaliya ay yagleelaan isla markaana noqdaan qaran soomaaliyeed oo calan qudha wadaaga,balse aanay taasi lahayn qorshe dhisan oo hirgali kara oo ay ahayd uun qiiro ka timid xaga simaliland oo aakhirkiina sababtay in la dagaalamo,la is naco lakala fogaado,lana kala adkaado oo cid waliba waxay ahayd ku noqoto cid nolosha ku saaqidda iyo cid wax taransansataba.

 

Gundhigga qormadan oo ah mid u baahan in laga jawaabo su,aalahan hoos ku qoran iyadoo la ogsoonyahay in jawaabahaasi ay yihiin qaar qofka is diidsiinaya iyo ka doonayaba ay khasab ku tahay inuu sida runta ah u ogaado ugana hadlo ayaa waxaan kusoo xidhayaa waydiimahan:

 

1-soomaliya ma qirsantahay in somaliland ay dawlad gaara ahayd intii ka horaysay midawgii labada dal oo ay calan gaara lahayd isla markaana ahayd ciddii ugu jeclayd in la helo soomaali mid ah?.

 

2-soomaaliya midnimada ay raadinayso imika ma mid labadan dal ku koobanbaa(s/land iyo somaliya) mise waa mid ku salaysan shantii soomaaliyeed ee hore loo raadin jiray?

 

3-soomaalida ka baxsan labadan ee kala ah: (s.kenya,s.ethiopia,s,jabuuti) qayb maka noqon karaan xallinta dhibta ka taagan somaliland iyo somaliya?, oo maka marag furi karaan in somaliland sidooda ay dal gaara ahayd imikana tahay xorriyadeedana ay somaliland jihadeeda ka taliso?

 

4-shacbiga somaliland sidee ayay u arkaan ficillada waqtigan ee dawladda xaafad ku noosha ah ee muqdisho ,maxayse kaga fal celin karaan?

 

5-siyaasiyiinta koonfurtu ma ogyihiin in aanay shacbigooda aadka u daalani ogolayn habdhaqanka  ay ku socdaan isla markaana ma dareensanyihiin in bulshada koonfurta inteeda badani raacsantahay in somaliland dib ula noqotay madax banaanideedii ay hore ugula timid?

 

Jawaabta su,aalahani waa qaar u baahan in sida ay yihiin looga jawaabo si xaqiiqda loo ogaado

Waxaanay marag ka yihiin jawaabohoodu caalwaaga  siyaasiyiinta ciilku haysto ee ku dhuumaalaysta xaafad ku taal muqdisho ee aan awoodin inay hantida masaakiinta iyo qoxoontiga la siiyo ee ay xadaan ay si nafis ah u cunaan balse dhuumaalaysi ku liqa dhamacda isla markaana aduunyadu u muujisay hadhka ictiraafka la eeday ee moodaya in ay somaliland  oo gaadhay in cod la isku muquuniyo oo xisbiyo  doorasho ku tartamaan isla markaana aduunyadu wax ka barato dadkeeduna tashaday ay wax ku yeelayaan af xumo,iska sheegasho,iyo inkiraad aan meel jirin waana in ay  ogaadaan in somaliland ay tahay dad iyo dal aan la murmi karin lana meeqaam ahayn siyaasiyiin ku saaqiday gumaadka shacbigooda koonfurta waxaana hore loogu maahmaahay(riyo haday dub leeyihiin dabadooda ayay ku qarin lahaayeen).

 

Waxaan kusoo xidhayaa qoraalkan talo aan siinayo afarta siyaasi ee malafsiga u ban baxay ee askarta ajaanibka ahi ku ilaaliso cariishyadda xamar oo ah haku fikirina inaad wax yeelaysaan somaliland waayo idiinma aha suurtogal balse ku fikira inaad shacabkiina kala tacaashaan rafaadka iyo burburka aad idinku baddeen oo noqda qaar damiirkoodu shaqeeyo.

 

 

Qalinka: Axmed cisman batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here