Amb. Kaysar Cabdilaahi Oo Madaxweynaha Uga Mahad celiyay Xilka Cusub ee Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga

0
965

Bristol, (HargeisaPress) — Kaysar Cabdilaahi Maxamed  oo hore u ahaa Safiirka Wareegga ee JSL oo dhawaana Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga  JSL, ayaa qoraal uu ku baahiyay Bartiisa Facebook uga mahad celiyay Madaxweynaha Somalilnd xilka cusub ee loo magacaabay.

 

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ayaa Qoraalkiisa ku bilabay  sidan:

 

Marka hore waxaa Mahad oo dhami ay u sugnaatay Allaha weyn ee Awwooda badan ee inaga dhigay Ummad Muslin ah oo Xor ah oo Dalkoodu Nabad iyo Dawladnimo Buuxda ay ka hanaqaaday oo iyaga oo aan Cidna Sacabada hoos dhigan Dalkoodii Hooyo ee Burburay dib u dhistay.

 

Waxaa kale oo aan u Mahad Celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ii magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Jamhuuriyada Somaliland, Waxaan madaxweynaha ugu Mahadnaqayaa Kalsoonida uu igu Qabo ee uu iga dhex xushay Malaayiinka Qof ee Reer Somaliland oo in badan oo ka mid ahi ay iga Cilmi iyo waayo-aragnimo badan yihiin. Waana markii Labaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Xil Qaran ii magacaabo. Aad iyo aad ayaan Madaxweynaha ugu Mahanaqayaa waxaanan Ballan qaadayaa inaan sida ugu wanaagsan ee awwoodayda ah iyo Daacadnimo aan ugu Adeegi doono Dalkayga Hooyo Insha Allah.

 

Waxaa kale oo aan u Mahadnaqayaa Kumanaanka Qof ee si guud iyo si gaarba iigu soo Duceeyay iiguna soo Hambalyeeyay Xilkan Cusub ee uu Madaxweynuhu uu ii Magacaabay waxaanan idiin soo gudbinayaa Mahadnaq waxaanan Allah ka baryayaa inuu Ducadiiina noo Aqbalo oo uu nagu Asturo Masuuliyada nala saaray.

 

Ugu danbayn Waxaan jecelahay inaan eray yar idhaahdo Saaxiibo badan oo ila soo xidhiidhay oo Tilmaamay in Xilkan Wasiir ku Xigeenka mid ka sarreeya ay ahayd in Madaxweynuhu ii magacaabo, Waxaan marka hore leeyahay Waad Mahadsan tihiin Kalsoonida aad igu qabtaan, waxaanan aaminsanahay in Xilalku ay yihiin jarran-jarrooyin isku xiga oo Maalinba mid la qaban doono Insha Allah, Kaysar ahaana waligay ma diidin mana diidi doono Xil kasta oo Qarankaygu u baahdo inaan ugu shaqeeyo.

 

 

Waad. Mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here