AMAL BANK oo Xarun Cusub Ka Furatay Hargeysa iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray

0
1933

Hargeisa (Hargeisa Press) — Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray Xarunta guud ee Amal Bank uu ku yeelan doono caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibad loo sameeyay daah-furka Baanka cusub ee Amal Bank oo lagu qabtay dhismaha uu ku yaallo xaruntan cusub oo ku yaalla dhismaha fooqa Oomaar ee magaaladda Hargeysa.

Waxaana ka soo qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha Wasiirrada, agaasimeyaal guud, Gudoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, ganacsato iyo dadweyne kala duwan.

Sidoo kale, waxaa munaasibadaasi joogay guddoomiyaha guud ee Amal bank uga wakiilka ah Somaliland iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan shirkadda Amal Bank.

Amal Bank ayaa ka mida shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha xawaaladaha lacagaha ee ka hawl gala Somaliland.

Iyadoo Amal Bank waayadan danbe adeegyadda ay bixiso ku soo kordhisay qaybya baanka.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa sheegay in Amal Bank oo hore u ahayd Xawaalad, isla markaana dalka ka hawl geli jirtay ay hadda ka xukuumad ahaan soo dhaweynayaan Baanka cusub ee ku soo biiray bangiyadii hore u jiray.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Bangiyo badani ay dalka ka abuurmaan, isagoona xusay in haddii baananku ay bataan in dhaqaalaha dalku uu kobci doono, waxaanu soo dhaweeyey barnaamijyadda maalgalineed ee uu soo kordhiyey Amal Bank.

Ugu Danbayntiina madaxda shirkadda Amal Bank ayaa madaxweyne ku xigeenka guddoonsiiyay Shahaado Sharaf lagu maamuusay Xukuumada Somaliland.

Taasoo lagu abaal mariyey sida ay uga shaqaysay Horumarka iyo dhaqaalaha waddanka, isla markaana u dhiiri gelisay Bangiyada gaarka loo leeyahay.

Amal Bank ayaa sanadahann danbe waxay Somaliland ka bilawday maalgelinta mashaariic horumarineed oo kala duwan kuwaasoo ay ka faa’iidaysan doonaan dhalinyarada, ganacsatada, Haweenka iyo Beeralaydu.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here