Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Badda Berbera Oo Liqday

0
2572

Berbera (Hargeisa Press): Badda magaallo xeebeedka Berbera ayaa la sheegay in ay maanta liqday oo ay ku dhinteen laba ruux, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha hawl-gelinta ee ciidamadda booliska gobolka Saaxil.

Labadan qof ee ku geeriyooday Badda Berbera ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen magaaladda Hargaysa, kuwaasoo ahaa saddex qof oo ragg ah. Iyadoo laba ka mid ahaa ay Baddu liqday.

Maydka labadda nin ee  Badda Berbera ku geeriyooday ayaa la dhigay cusbitaalka guud ee magaaladda Berbera.

Dhinaca kale ma aha markii u horaysay oo ay dad sidan oo kale ugu dhintaan Badda magaaladda Berbera, hase yeeshee arrintaasi ayaa ah mid soo noq-noqotay.

Iyadoo sanad kasta ay dad badani u geeriyoodaan Badda Berbera, kuwaasoo intoodda badan uga Dabaal yimaadda magaalooyin kale ee goboladda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here