Muqdisho (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya Muqdisho ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in weli ay rasaas goos goos ahi ka dhacayso gudaha hoteelka Villa Rose ee magaalada Muqdisho, kaas oo tan iyo xalay fiidkii uu ka socdo howlgal daba socday weerar ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka.
Ilaa hadda faahfaahin rasmi ah kama soo bixin laamaha amniga ee Soomaaliya, marka laga reebo in ay xalay shaaciyeen warka ku saabsan weerarka iyo howlgalka lagu doonayo in lagu soo afjaro.
Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Maxamed Axmed, uu ku dhaawacmay weerarka.
Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiikh Doodishe, ayaa sheegay in hotelka laga soo badbaadiyay dad shacab ah iyo masuuliyiin.
Wasiirro iyo xildhibaanno, ayaa ku sugnaa hoteelka la weeraray, maadaama uu ku yaallo nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya, islama markaana ammaankeeda aad loo ilaaliyo.
Al-Shabaab, ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadday hoteelka uu howlgalku ka socdo. Kooxdan ayaa 15-kii sano ee ugu dambeeyay Soomaaliya ka wadda dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Dowladda Soomaaliya.