Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo la-kulmay Guddida Salaadiinta Beesha bariga Burco

0
2181

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay Guddida Salaadiinta iyo Cuqaasha beesha bariga Burco.

Madaxweynaha la doortey ee Somaliland, ayaa uga mahadceliyey Guddida Salaadiinta iyo Cuqaasha ee Beesha bariga Burco doorkii nabadeynta iyo Doorashooyinka ee ay ka qaateen Somaliland.

Sida oo kale Madaxweynaha, ayaa si gaar ah guddida ku aamanay inay bud-dhig u aheyd in Somaliland ay gasho doorashooyin aduunka macjiso ku noqdey.

Guddida salaadiinta iyo cuqaasha ee Beesha bariga Burco, ayaa waxaa ay madaxweynaha cusub alle uga baryey inuu xilka ku asturo.

Madaxweynaha cusub ee la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa tan iyo markii la doortay waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaadanayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here