Jaaliyadda Somaliland ee Gobolka Seattle Washington oo u debaal-degaya Madaxweynaha la-doortey

0
1681

Washington (Hargeisa Press)- Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan gobolka Seattle Washington ee dalka Mareykanka, ayaa shaaciyay inay qaban doonaan munaasibad ay ugu debaal-degayaan Madaxweynaha cusub ee la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi.

Jaaliyadda Somaliland ee gobolka Seattle Washington, ayaa sheegay inay Xafladda ay ugu debaal-degayaan Madaxweynaha cusub ee Somaliland iyo ku xigeenkiisa ay qabanayaan 29 bishan November 2024.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha xisbul xakimka talada dalka Somaliland la wareegay ee Waddani ee gobolka Seattle Washington, Axmed Suleebaan Lababaale.

Guddoomiyaha xisbul xaakimka Waddani Axmed Saleebaan Lababaale, ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin oo ay ku jiraan qaban qaabada xafladda.

Waxaa uu sidoo kale xusay in xaflada ay casuumayaan dhamaan jaaliyaddaha Somaliland ee degan gobolka Seattle ee Washington iyo nawaaxigiisa.

Hase ahaatee, jaaliyaddaha Somaliland ku dhaqan wadamada caalamka, ayaa qabtay munaasibado waa weyn oo ay ugu debaal-degayaan Madaxweynaha cusub ee la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi, iyadoona jaaliyaddaha qaarkood ay wadaan abaabulka munaasibadaha debaal-degaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here