AL-shabaab Oo Hogaamiye Cusub Dooratay, Wacadna Ku Martay Inay Aar Goosan Doonto

0
984
Somalia's Islamic al-Shabab spokesman Sheik Muktar Robow Abu Mansur (C) at a news conference where he vowed to step up attacks against government soldiers and foreign troops in Mogadishu,
Somalia’s Islamic al-Shabab spokesman Sheik Muktar Robow Abu Mansur (C) at a news conference where he vowed to step up attacks against government soldiers and foreign troops in Mogadishu,

Muqdisho,(HargeisaPress) — Ururka Al-shabaab ayaa Hogaan cusub u doortay Sheekh Axmed Cumar, oo sidoo kalena loo yaqaano Abu Cubayda, kaasi oo la wareegi doona Kaalinta uu baneeyay Axmed Cabdi Godane oo ku dhintay duqaynta Maraykanku Somalia ka fuliyay Isniintii la soo dhaafay.

Bayaan ka soo baxay Ururka Al-shabaab, ayuu Ururku Balan ku qaaday in Caalimkooda iyo hogaamiyeyaashooda ay u aar gudi doonaan.

“Inaanu u aarno Culimadayada iyo hogaamiyeyaashayada waa Waajib aanu qabanayno oo garbahayaga saaran, waligayo kama tanaasulayno mana iloobayno wakhti kasta oo ay nagu qaadato” ayaa lagu yidhi Bayaanka Alshabaab ee lagu sheegay doorashada hogaanka Cusub.

Hadalkan qoraalka ah oo ka kooban  lix bog kuna qoran Luuqadda Carabiga ah iyo Ingiriisiga ayaa lagu xaqiijiyay geerida Axmed Cabdi Godane iyo laba sarkaal oo aan la magacaabin.

Al-shabaab waxay sheegtay inuu sii soconayo xidhiidhka ay Alqaacida la leedahay iyo hawl galada ay ka wado Somalia. Ilaa hadda lama garanayo Hogaamiyaha cusub ee ay Al-shabaab magacawday mana aha Nin Magaciisa hore loogu dhex maqlay Al-shabaab ama ka tirsan dadka la garanayo ee saraakiisha sare ahaa.

Sheekh Cali Dheere afhayeenka Al-shabaab oo Qoraalkaasi Aff-Somaali ku akhriyay ayaa sheegay in Axmed Cabdi Godane hawlo badan oo horumarin ah ka qabtay Diinta Islaamka iyo u dagaalankeeda.

Somalia ayaa heegan gashay ka dib geerida Godane, iyadoo cabsi laga qabo  weerarada Al-shabaab ku aar goosanayso.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here