Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Ganacsatada Uga Digtay Dad Aan Matalin Oo Diwaan galinaya

0
967

Maxamed Shukri JaamacHargeisa,(HargeisaPress) — Rugta ganacsiga Somaliland ayaa ganacsatada uga digtay dad aan matalin Rugta ganacsiga oo Ganacsatada Diwaan galinaysa. Qoraal ka soo baxay Gudoomiyaha rugta ayaa lagu sheegay inaanay jirin Diwaan galin Rugta ganacsigu wado

Qoraalka digniinta ah ee Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ayaa u dhignaa sidan:-

  1. Rugta Ganacasigu waxay uga digeysaa cidkasta oo isku dayda in ay ku gabraarato magaceeda ama isku dayda in ay qaadato waajibaadkeeda (Mandate)
  2. Rugta Ganacsigy waxay ogeysiineysaa Ganacasatada Somaliland, Hay’adaha Madaxa banaan iyo ku wa Caalamiga ahba in aaney jirin cid ka socota Rugta Ganacsiga oo u xilsaaran diyaarinta Diiwaanka Ganacsiga (trade directory) ee 2015
  3. Cidkasta oo isku dayda iney sifo aan sharci ahayn ganacsatada lacag kaga urursato iyda oo ku beena abuuraneysa magaca Rugta waxa la horgeyndoonaa Hay’adaha Sharciga ee dalka

Gabogebadii waxaan uga digeynaa dhalinyarada isku daygan xaaraanta ah ku foogan iney ka waantoobaan.

 

 Allaa Mahad Leh

Maxamed Shukri Jaamac

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here