Nooca Cusub Ee COVID-19 Oo Ku Sii Faafaya Yurub iyo Australia

0
339

Hargaysa (HP): Nooca cusub ee cudurka Coronavirus ee ay WHO u bixisay magaca ‘Omicron’ ayaa ku sii faafaya wadamo fara badan oo ka tirsan qaarradda Yurub, iyo Australia.
Kaddib marki kiisas cusub Axaddii shalay laga helay dalal ay ka mid yihiin Netherlands, Denmark, UK iyo Australia.
Arrintan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo xannibaado adag ay ka dhaqan galeen Netherland, iyada oo la diiwaan geliyay kiisaska Covid iyo walaac laga qabo noocan cusub.
Omicron, waxaa markii ugu horreysay u sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Koonfur Afrika Arbacadii, caddaymaha horena waxay muujinayaan inay leedahay khatar sare oo faafis ah.
Duulimaadyada ay qaaday shirkadda xamuulka qaada ee Holland KLM oo ka timid Johannesburg ayaa timid Jimcihii.
Ilaa 600 oo rakaab ah ayaa la haystey dhowr saacadood ka dib markii ay yimaadeen intii laga baadhay fayraska.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here