Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee isku magacaaba isbeddel doonka.
Agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in qolyaha isbedel doonku ay yihiin kuwii ay siyaasada ku soo wada jireen 20-ka sano, waxaanu tilmaamay in aanay u muuqan cid isbeddel keeni karta.
Agaasime Shiine oo khudbad ka jeediyay munaasibad ay ku qalin-jabinayeen Arday jaamacadda Alpha, ayaa waxaa uu tilmaamay in aanay haba yaraatee u muuqan cid isbeddel keeni karta.
“Isbedel doon iyo xukuumadda shalay joogta ayuu shalay tartanku ka dhaxeeyaa, isbeddel doonka ayaa innagu cusub, cidda isbeddel dooneysana waa in la isweydiiyo weeyi, shalay cid innaagu cusub oo isbeddel inoo wada ma arkayo waa saaxiibadii waa nimankii aanu 20-ka sano siyaasada ku soo wada jirnay, ayaa ina leh isbeddel ayaanu keenayna waana intii xilka ka weyday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.” ayuu yidhi Agaasimaha Shiine.
Dhinaca kale, agaasimaha ayaa eedayn u jeediyay kooxda fannaaniinta ee Xidigaha Geeska, isagoona ku sifeeyay inay la mid yihiin siyaasiyiinta hadba xisbi ku biira marka ay danahooda ka waayaan.
Waxaa uu sheegay in fanaaniinta iyo hal-abuurku ahaayeen kuwa ka shaqeeya isku haynta, wada-jirka iyo isku-wadka bulshada, balse waxa uu xusay in fanaaniintu ay la mid noqdeen siyaasiyiinta hadba meesha ay wax ka waayeen maahe meesha kale taaga.
“Waxa aynu ku jirna xilli siyaasadeed, waad arkeyseen in maalin dhaweyd ololihi bilaabmay, halkani waa goob jaamacadeed in siyaasada lagaga hadlana ma haboona, balse wixii dhaqan xumo ah ee soo kordha in bulshada lala wadaago weeyaan, fanaaniinta iyo hal abuurku waxay ahaayeen kuwa markasta bulshada u horseeda wanaaga, isku haynta iyo isku-wadka, maahase kuwa hees inooga dhiga oo Muusic saara codadka mucaaridka iyo inta xun, oo inoo soogudbiya maaha, hase ahaate waxaad aragteen in dhaweyd in fannaaniinteeni inay la mid noqdeen siyaasiyiinta hadba meesha ay wax ka waayaan maahe meesha kale taga.” ayuu yidhi.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafintu waxa uu bulshada ugu baaqay inay ilaalinta nabadgelyada meel uga soo wada jeestaan.
“Waxaan soojeedinaya in nabadgelyada guud ee dalka aynu wada ilaashano, xukuumadda shalay joogtana waxa habboon in la siiyo fursad ay ku dhammeystirto wixii ka qaybyo ah” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mustafe Cabdi Ciise Shiine.