Ismaaciil Cumar Geelle oo caawa dib ugu soo laabtay Jabuuti

0
2168

Djibouti (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa caawa dib ugu laabtay dalkiisa, kadib safar shakhsi ah oo uu ku tagey dalka Faransiiska, sida ay baahisay Madaxtooyada Jabuuti.

Warka ka soo baxay xukuumadda Jabuuti, ayaa ku soo beegmaya xilli ay xalay Warbaahintu tebisay in Madaxweyne Geelle xaalad caafimaad uu u jiifo cusbitaalka ku yaalla dalka Faransiiska.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh, ayaa bartiisa Twitter-ka (X) kaga hadlay xaaladda Madaxweynaha, isagoo ku bilaabay qoraalkiisa ‘‘Waan ka xumahay Necbanayaal.”

Wasiir Dawaare, ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waa fiican yahay, weliba aad ayuu u fiican yahay runtii, qof waa ka heli wayn karaa hoggaamiye, laakiin qof ma necbaan kartid heer aad gaadho inaad ku habaarto dhimasho qof muslim ah, haa waa jirtaa dhibaato uu ka qabo jilibka midig, maxaa ku jaban, waa qof bini’aadam ah oo aniga iyo idinkaba idinla mid ah.”

Hase yeeshee, Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaan faahfaahin ka sii bixin safarka madaxweynaha iyo waxa ka jira wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha.

Waxaa caawa la arkay Madaxwayne Geelle oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan xukuumadiisa.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada hadal hayn weyn ka dhalisay xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey in madaxweyne Geelle xanuunsaday oo cusbitaal loola cararay.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu dalka Faransiiska u tagay daweyn, basle ma jirto xaqiijin madax-banaan oo warbaahintu heshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here