Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Warfaafinta, Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha, Gaadiidka Iyo Mas’uuliyiin Kale ayaa ka qayb galay Koob Lagu Xusaayay Maalinta Dhallinyarada Somaliland

0
599

Hargeysa (HargeisaPress) –Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha warfaafinta, dhallinyarada iyo ciyaaraha, gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo Mas’uuliyiin ka ka socday xisbiyada qaranka ayaa ka qayb galay tartan ciyaareed lagu xusaayay maalinta dhallinyarada Somaliland, kaas qabsoontay dugsiga Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa.

Tartan ciyaareedkan oo ay soo abaabushay daladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa ka hadlay maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo u hambalyeeyay ardayda ku guuleystay tartan ciyaareedkaasi, waxaana uu tilmaamay in dhallinyarada codkooda la dhegeysto isla markaana la horumariyo waxbarashadooda iyo ciyaarahoodaba.

Agaasimaha fulinta ee daladda SONYO Cabdixamiid Maxamed Cumar iyo guddoomiyaha daladda dhalinyarada heer qaran ee Somaliland ee SONYO Cabdicasiis Maxamed Jaamac ayaa sheegay ujeedada tartankaasi ahayd xuska sannad guurradii 39aad ee ka soo wareegtay maalintii dhagax tuurkii UFFO ee 20 Feebarwari, waxaanay intaa ku dareen in maalintaasi aheyd maalinta ku suntan taariikhda halganka Jamhuuriyadda Somaliland.

Geestoodana xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga UCID iyo xoghaye ku xigeenka ciyaaraha ee xisbiga Waddani ayaa, iyana dhankooda bogaadiyay maalinta xuska dhallinyarada Somaliland.

Ugu dambayn agaasimayaasha guud ee wasaaradaha warfaafinta, dhallinyarada iyo ciyaaraha, gaadiidka iyo horumarina jidadka, iyo guddoomiye ku-xigeenka gobolka Maroodi Jeex oo ayaa hambalyeeyay ciyaaryahannadii ku guuleysatay tartankaasi, iyagoo u mahad naqay dalladda dhalinyarada heer qaran ee SONYO oo tartankaasi soo qaban qaabisay, waxaana dhallinyarada Somaliland u soo jeediyeen inay wax ka bartaan muhiimada ay maalintaasi leedahay iyo taariikhdii dhalinyaradii UFO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here