Gabiley (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Axmed Maxamuud Jaamac oo safar shaqo ugu ambabaxay goboladda Galbeedka dalka, ayaa waxaa uu maanta kormeer ku soo maray Cubsitaalka guud ee Magaalada Gabiley.
Kormeerkan oo ujeedadiisu ahaa u kuurgelida habsami u socodka hawlaha Caafimaadka ee guud ahaan goboladda iyo dagmooyinka dalka, ayaa agaasimaha guud waxaa halkaa ku soo dhaweeyey maamulka iyo dhakhaatiirka cubsitaalka guud ee Magaalada Gabiley.
Intaasi kadibna waxaa uu Agaasimuhu mid mid u soo kormeeray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cubsitaalku, Shaqadda ka socota iyo Bulshadda loogu adeegayo.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha cubsitaalka guud ee Gabiley, sida hagar la’aanta ah ee ay bulshada ugu adeegayaan.
Waxaana uu Agaasimuhu kula dardaarmay inay sii laban-laaban shaqada ay hayaan, Wasaaradduna marwalba xooga saarayso sidii ay uga warhayn lahayd baahiyahooda iyo tayayntoodaba.